Akhristayaal had iyo jeer sida sunaha saxaafadu ayaa waxaa caado ah in saxaafadu bulshada ay uwaramayso u soo gudbiso hadba xaalada dhaqan dhaqaale ama siyaasadeed ee ay ku sugan tahay xag horumarineed iyo dib u dhaceedba. Toosin iyo tusaalayna ku kaabto si loo gaadho hadba yoolka la hiigsanayo.
Haddaba waxaa dhawaan shabakada arabsiyonews soo bandhigtay maamul xumo ka jirta degmada arabsiyo taas oo ka turjumaysay xaalada ama fikirka ay bulshadu qabto. Gudoomiyii dagmada arabsiyo cabdilaahi cabdi faarax oo ay ahayd in uu soo dhaweeyo dhalliilaha loo soo jeediyay, ay ahaydna inuu muujiyo inuu diyaar u yahay inuu wax ka qabto, ayaa waxay jawaabtiisu noqotay inuu kaga jawaabo waxaan looba fadhiyin oo aad u qosol badan mararka qaarna ku galinaya dareen aad isaga udamqanayso marka eegto xilka uu hayo iyo waxa uu fikirkiisa ku sharaxayo. Waa ninka yidhi arabsiyonews waxay maamulka dagmada arabsiyo wax uga qoraysaa ka dib markaan ku arkay websiteka arabsiyonews kitaabka bible oo ay xayaysiinayaan , kuna wargaliyay inay joojiyaan waxaas diinteena ka sooo horjeeda ee aad soo bandhigaysaan. Kadibna halkaas colaad la iigu qaaday.
Waxaa la yaab leh cabdilaahi markuu taas leeyahay ma wuxuu aammin san yahay in dadka reer arabsiyo aaanay ka dharagsanayn maamulkiisan bacaha cunaya ee aan waxba ka xishoon ee aan karaamada lahayn heer gobol iyo heer Degmo.
Cabdilaahow dhaliilahaaga ay arabsiyonews soo bandhigtay oo aaanu ka markhaati nahay hadaanu nahay bulshada arabsiyo haddaan labiyo sadex kale kuugu daro illlayn haddii layidhaa ceebahaaga maamul ee dul hoganaya dawlada hoose ee aad gadhwadeenka ka tahay wax ka qor ama ka sheeke waxay qaadanaysaa wakhti badan oo ka gayoon mayno .
Waxaan bulshada damiirka leh eeku abtirsada Dagmada uu asaageed hoos mariyey maamulka dadka udamqanaya Arabsiyo sida caruurta hada baranaysa Facebook ka caayayaya ee soo qoraya (SIR CULUS) dadku waxay isleyihiin Gudoomiyihii Degmada Arabsiyo Sirtaa uu sheegayaa waa arin culus e tallow ma laba dawladood oo waawayn ayaa isku haysta khayraadkii Arabsiyo mise wax kalo wayn baa jira ilayn maaha manta nin yar oo iska hadlaya oo ciyaar ka dhiganaya Facebook iyo wax lahalmaalee ,
ninka Facebookga qoraalka soo dhigayaa waa hogaamiyihii iyo ninkii manta u indhaha ahaa dadwaynaha ku dhaqan Degmada Arabsiyo iyo kuwa ku abtirsadaba
Waxa ayaan daro iyo masuuliyad xumo halkii ugu saraysay ah in Cabdilaahi oo ahaa ninkii manta eegi lahaa maslaxada umada iyo qimihii lagu yaqaanay maamulka in hadii la dhaliilay in facebookga hadalo sal iyo raatoona lahayn uu iska soo xarxariiqo
Awal waxaan odhan jiray waa maamul xumee waxa hada ku darsoomay hadalo gudoomiyaha ka soo burqanaya oo umuuqda qaar aan loo meeldayin,Somaalidaa hore utiri baroortu orgigaga ka wayn hadalkan aad Facebook ga soo dhigtay difaac noqon maayee dadku isbadal muuqda ayay rabaan oo waxaa dishootay heeryadan isku baahaysatay maamul xumada,musuqmaasuqa iyo indhasarcaadka aad kawado Facebook
Waxaan hadalkaygan qoraalka ah ku soo gagabaynayaa anigoo ku hadlaya aqoonyahanka Degmada Arabsiyo waxaan raaligalin buuxda siinayaa Shabakada Arabsiyonews oo aan leeyahay magaydaan waxa uu ninkaa odaygee ku sibiririxooday maamulkii umadu udhiibatay
C/laahina waxaan leeyahay Gudoomiye waxaad noqotay Nin waynoo hadal kadhacay waa Geed qolofi ka dhacday
Bulshada Arabsiyo ku dhaqana waxaan ku boorinayaa waxa lagaadhay xiligii lala xisaabtami lahaa maamulka dawlada hoose ee masuuliyadii umada ubadalay Film aan dhamaanayn oo la xisaabatankiisana hal xidhaale ku yahay maamulka isasiiyay xaquuqdii umada
Qalinkii Axmed Maxamed Ciidle
Arabsiyo S/land
Tags
ARIMAHA BULSHADA