Wasiirka Waxbarashada S/land oo dhagax dhigay dhismaha dayrka dugsiga dhexe ee Degmada Arabsiyo

Arabsiyowar(AW)Dayrkii Ugu horeeyay ee uu yeesho Dugsiga Hoose Dhexe ee Dagmada Arabsiyo Ayaa waxa dhagax Dhigay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Pr Faarax Cilmi Geedoole.Waxaana kalasoo Qayb galay,Gudoonka Waxbarashada eee Gobolka Gabilay,Kan Dagmada,Kormeerka Waxbarashada Ee DagMada,Madaxda Soha,Agaasimaha Mashaariicda ee Action Aid,Gudoomiyaha
Waxaana ugu horayn Halkaa ka hadlay Gudoomiyaha waxba4rashada Degmada Arabsiyo Fadxiya Maax Xasanwaxaanay ka hadashay doorka waxbarashada ee Arabsiyo iyo mudadii dheerayad waxay sidoo kale Fadxiya Maax Xasan ku dheeratay dayrkan maanta la dhagax dhigay iyo kaalinta uu ka qaadan doono ardayda wax kabarata dugsiga”,W Waxaan uMahad Celinayaa Hayaada  Soha Ee ku dhiiratay inay Noqoto hayadii ugu horaysay ee ku Guulaysata inay inoo Samayso Dayrkii Iskuulka ee aynu in badan Sugaynay,Waxaana Amaantaa iSka le Wasiirka waxbarashada Prof Geedoole oo ay ku soo beegtay Wakhtigiisii,Waxakaloo ka hahashay Agaasimaha Soha Ismahaan Maxamed Oo kawarantay Waxyaabaha ay Hayadoodani ka qabatay Dagmada waxaana kamid ahaa hadaladeedii
Marka ugu horaysay ilaahaybaa mahad iska le,runtii Soha ahaan Waxbadan ayaanu ka qabanay Xaga Waxbarashada Dagmada anagoo Qayb ak ah Sidii korloogu Qaadi lahaa Aqoonta Macalimiinta,iyo Schooladii uhoreeyay ee aanu ka hirgalinay Xuluuq oo hada Maraya fasalka 8aad iyo kii Agamsaha oo Maraya Fasalkii 7aad,iyo sanadka oo aanu Dayrkan ku darayno,Farnayjarka Ardayda,Ardayda Kaalmaha hore Gasha oo aanu ugu talo galnay Jaaisad unoqota Dhiiri Galin,iyo anagoo Sanadkan Samaynayna Macalimiinta ufuridoona
Waxakaloo halkaa ka hadlay Agaasimaha Mashaariicda ee Action Aid,Waxaana ka mid ahaa Waxaa Maanta Aan qirayaa Wasiir faarax inuu Yahay Madaale aadna waan ugu Amaanayaa,waxaa kaloo Halkaa ka hadlay Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Dagmo,oo aad ugu Mahad Naqay Hayada Soha kuna Tilmay hayad Inbadan waxka qaaba Waxbarasha intaa kadibna Maayerka Dagmada iyo Badhasaab ku Xigeenka waxaanay aad umahad Celiyeen Hayada Wadaniga ah ee Soha,waxqabadka baaxada le ee ay Gobolka ka qabteen,Waxaanay ugu
Bushaareeyeen Bulshada ku Dhaqan Dagmada Arabsiyo in dhawaan labilaabi Doono Biyo Galintii Waxaana Soo Afmeeray Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare pr Faarax Cilmi Geedoole,Waxaana kamid ahaa Maalinkasta iyo meelkastaba oo ay hormood utahay Dawlada uu Madaxda u yahay Madaxwaye Axmad Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Gobolka Gabilay iyo hareeraheedaba,Action iyo Soha way ku Suntan yihiin

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post