WASIIRKA TACLIINTA OO KA QAYB GALAY MUNAASIBAD AY KU QALIN JABIYEEN ARDAYDA DHIGATA MADARASADA DAARUL CILMI EE DAGMADA ARABSIYO





arabsiyowar
Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare pr Faarax Cilmi Geedoole ayaa kasoo qayb galay Munaasibad ay ku qali jabinayeen ardayda dhigata Machadka Daaru Cilmi oo ku taala Dagmada Arabsiyo ee Gobolka Gabilay,Munaasibadan ay ku qalin jabinayeen Ardaydani ayaa ka dhacday Huteel Dalxiis,Waxa kaloo kalasoo qaybgalayBadhasaabku Xigeenka Gobolka, Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Gabilay, Maayirka Dagmada Arabsiyo,Gudoomiyaha Ururwaynaha NOw,kormeeraha Dagmada Arabsiyo,Masuuliyiin iyo Waalidiintii Aradaydii Qalijabinaysay,Waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay,Gudoomiyaha waxbarashada ee Gobolka gabilay Cali Aadan Bayle,waxaana hadalkiisii kamid ahaa aadbaanu ugu faraxsanahay inaanu idinkala soo qaybgalno maantoo kale munaasibad ay ku qalin jabinayaan Araday Da;yar ah isagoo Goobjoog ka ah wasiirkii waxbarashaduna waa waxaad u wanaagsan inaydun nasiib uhesheen waanau idinku amaanaynaa idinka iyo maamulkiinuba Sida wanaagsan ee aad udadaasheen,waxa kaloo halkaa ka hadlay Maayerka Dagmada arabsiyo C/laahi cabdi faarax,waaxan kamid ahaa hadalkiisii shar wayn ayay ii tahay inaanu maanta aniga iyo wasiirkii waxbarashadu kawada qaybgalno munaasibada dayerteenu ku qali jabinayso,waxaanu idinku hambalyaynaynaa hawshaa quruxda badan ee aad samayseen,Waxa kaloo halkaa ka hadlay gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Cali cabdi cali casewaxaana kamid ahaa hadaladiisii runtii wakhtigoo inagu gaaban awgeed waanu idiin mahadnaqaynaa waxaanau idinleenahay halkaa kasii wada dadaalka waxaanu kusoo dhaweeyay Wasiirka waxbarshada iyo tacliinta sare pr Faarax Cilmi Geedoole waxaana kamid ahaa hadalkiisii aadbaan ugu faraxsanahay Munaasibad aad uwayn oo kamida waxbarshadii aanu masuuliyadeeda haynay oo ay wado dhalin yaro aad udadaashay ugu horayn waan idin hambalyaynayaa,waxaanan ku faraxsanahay da'yartii oo kor uqaaday aqoontii waa waxaad loogu farxo,waxaanan farayaa masuuliyiinta waxbarashada ee Heer gobol iyo heer dagmo inaad la shaqaysaan oo la garab istaago,waayo qiime ayay inoogu fadhiyaan Schoolada Gaarka loo leeyahay,iskusoo wada Duuboo munaasibadan ayaa noqotay Abid taariikhda MUnaasibvadii uu kasoo qayb galo wasiir waxbarsho taasoo ay aad usoo dhaweeyeen dadwaynaha ku dhaqan Magaalada arabsiyo iyo Masuuliyiintii aasaastay Machadkan Daarul Cilmi

wariye muuse xuseen  xasan Arabsiyo office




Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post