
Hargeisa-(arabsiyowar)-Madaxweynihii hore ee Somalia Daahir Rayaale kaahin wuxuu isku ciil kaanbiyey, Aboolojiis iyo Raaligelina ka bixiyey inuu xisbigiisii Udub u dhiibay nin aan hankiisu madaxweyne gaadhsiisneyn oo heer wasiir ku eeg yahay oo uu sheegay inuu ku faaney inuu xisbigii Udub jeebka ku ritay,wuxuuna ninkaas Rayaale ku sheegay wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade.
Geesta kalena wuxuu Aboolaji u diray Raggii hanka lahaa ee soo dalbadey Hogaaminta xisbiga ee uu u diiday ee Cabdirashiid Xasan mataan,Jamaal Cali Xuseen iyo Ku-xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu sheegay inuu iyaga baalmaray oo ka doorbiday ninkaa hankiisu wasiir iyo wax ka hooseeya yahay.
Guntii iyo gebagebadii wuxuu Daahir rayaale sheegay in xisbigii Udub ahaa Asaaska Dimoqraadiyadii Somaliland aanu burburin ee insha-alaahba dib u soo noqon doono mar kale.
arabsiyowar