Hayaada wadaniga ee SOHA oo dhagax dhigtay Gabyano kuyaal dooxyada Huluuq iyo Agamsaha ee Degmada Arabsiyo




Arabsiyo(AN)Hayada wadaniga ah ee Soha oo ay weheliso hayada Caalamiga ah ee ACTION AID,IYo
Masuuliyiinta Dagmada Arabsiyo,isku Duwha Beeraha ee Gobolka Gabilay,ayaa Dhagax dhigay,Labada doox ee Agamsaha iyo huluuq ee ka tirsan Dagmada Arabsiyo.Gabyankan oo waxbadan ka tari doona baahida ay uqabaan dadwaynaha Deegaanku Maadaama oo uu Dooxu farabaas ku hayo Ceelasha dhaadheer ee ay waxku beertaan,ayaa waxa Dooxa Agamsaha la dhagaxdhigay 240m,halka Dooxa huluuqeedna ladhagaxdhigay 340
iyadoo horena gacanta looga qaaday laba ceel oo loo qoday deegaanka Agamsaha kuwaasoo ay fulisay hayada wadaniga ah ee Soha,laba ceel oo kalana laga qodi doono Dooxa Huluuqeed,
Dhanka kale waxa waxa ku wehelinayy dhagaxdhiga Maamulka dagmada Arabsiyood,iyo ISkuduwaha Beeraha ee Gobolka Gabilay waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Dooxa Agamsaha Maxamed cabdi Sugule waxaana hadalkiisa kamid ahaa
” waxaynu halkan utaaganahay dhagaxdhigii Gabyanka ay inoo Fulinayso Hayadan wadaniga ah ee Soha oo aan qabo inay tahay hayadaha ugu waxqabadka badan Gobolka Gabilay,Gaar ahaan dagmadan Arabsiyo,Runtii aadbaanu idiinku mahadnaqaynaa hadaanu nahay Odayaashii deegaanka,”
Agaasimaha hayaada wadaniga Soha Ismahaan Muxumed oo iyaduna goobtaa ka hadashay ayaa ka warantay waxyaabaha ka Soho ahaan ka qabtaan Gobolka Gabiley gaar ahaan Degmada Arabsiyo
“waxaan runtii qabanay hawlo tiro badan oo ay kamid yihiin laba ceel oo aan ka fulinay Agamsaha iyo laba kale oo aanu kabilaabayno degaanka huluuq waxa maanta noo farxad ah in aanu dhagax dhigno gabyankan oo muhiim u ah beeralayda iyo bulshada degaanada Agamsaha iyo Huluuq waxaanu qayb ka noqon doonaa
waxa kaloo halkaa ka hadlay Madaxa Mashaariicda ee Action Aid Axamad Aadan,waxaana kamid ahaa hadaladiisii,
“aadbaan u faraxsanahay Runtii Dooxan Agamsuhu wuxuu kamid yahay Dooxyada isku tashaday,ee haya tubtii waxwada qabsiga taasoo lagu gaadho horumar,isagoo ilaahayna uga baryay inuu Dadaalkooda ubarakeeyo,”
waxakaloo halkaa ka hadlay Isku duwaha Gobolka Gabilay ee Beeraha C/risaaq sh muxumed gaboobe,waxaana kamid ahaa hadaladiisii
“maanta waxaynu dhamaanteen utaaganahay Sidii aynu udhagaxdhigi lahayn gabyan ay Hayadan wadaniga ah ee Soha ka fulinayso Agamsaha iyo Huluuq oo aanu halkii ugu haboonayd ee ay bulshada Agamsuhu isla garatay dhagaxdhigayno,waxaa soo jeedinayaa inaydin ka faaidaysataan oo aad muujisaan dadaal iyo Sidii loolibin laabilahaa waxsoosaarka”
Guntii iyo Gabagabadii waxsoo Afmeeray Maayerka Dagmada Arabsiyood C/laahi cabdi faarax waxaana ka mid ahaa hadaladiisii
“Sidaan lawada Socono Soha waa hayada ugu waxqabadka badan Gobolka,waa inaynu umahad Celinaa oo aynu Wixii laynoo qabtay kan mahad Celinaa,waanay ku mahadsan yihiin,waxqabadka baaxada le ee ay inoo fulisay waa inamadeenii Runtii waxa beeralaydana looga baahan yahay inay dadaalaan oo aanay uSinaan Hyaduhuna ay kal Mudan yihiin oo Soha ay ka mudan tahay Mid walba”
wariye muuse xuseen xasan

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post