War Degdeg ah:Xubnaha Gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye Madaxweyne Kuxigeenka Iyo Murashaxiinta Oo Shir Ku Kala Kacey Qodobada La Isu Diiday


Hargeysa(ARABSIYOWEB)-Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici),iyo Xubnaha Gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye oo u badan Golaha Xukuumada, iyo Xubno kamid ah Murashaxiinta ku loolamaya Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa, goor dhaweyd ku kala kacey Shir lagaga arinsanayay qodobo ay soo bandhigeen Xubnaha Gudida Fulinta Xsibiga Kulmiye kuwaas, oo aan la isku waafaqin Madaxweyne Kuxigeenkuna ku gacanseydhay.
 
Shabakada Wararka ARABSIYOWEB oo helay xogaha Shirkan oo ay Madaxweyne Kuxigeenka ku wehelinayeen Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade waxa kamid ahaa Qodobada ay Gudida Fulintu soo bandhigeen.

1-in la magacaabo Gudi dhexdhexaad ah oo hogaamisa qabanqaabada Shirka Golaha Dhexe oo ay wadajir usoo dhisaan Gudida Fulinta iyo Hogaanka Kulmiye.
 
2-in Xubnihii ka baxay Xisbiga Kulmiye ee ku biirey Xisbiyada Mucaaridka ah kaalintoodii si dhexdhexaad ah loo soo buuxiyo oo aan cid gaar ahi maamulin.

3-iyo in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu ka noqdo baaqii uu ujeediyay Xubnaha Golaha Dhexe ee Qeybinta kaadhadhka si aan cid kale loogu qeybin Kaadhadhka Shirka Golaha Dhexe.
Haseyeeshee, wararku waxa ay sheegeen in lagu kala kacey Shirkaasi islamarkaana, aan Madaxweyne Kuxigeenku aqbalin soo jeedinta Gudida Fulinta waxaana la filayaa in ay goor dhaw war murtiyeed kasoo saari doonaan arintan.
Shirkan oo ku qabsoomay Guriga Madaxweyne Kuxigeenku ka degan yahay Magaalada Hargeysa.
Wixii kasoo kordha kala Soco ARABSIYOWEB
 

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post