GOLAHA DHEXE EE XISBIGA KULMIYE IYO SAAMIYADA AY KALA HAYSTAAN MUSHARIXIINTA XISBIGA DHEXDIISU




Xogo Wargeyska SAHAN helay ayaa muujinaya in garabka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi si weyn ugu gacansareeyo xubnaha golaha dhexe , guddoomiye Muuse Biixi ayaa haystay aqlabiyadda Xubnaha Golaha dhexe oo ku salaysan beelo.

 Beelaha Saamiga ugu badan ku leh golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa ah qaar badidoodu gacanta ugu jira Guddoomiye muuse Biixi Cabdi iyo garabkiisa , Wasiirka Arrimaha debedda Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ah garabka ilaa hadda sidda weyn looga dareemayo loolankooda xisbiga Kulmiye ayaa u muuqda kuwo loolankoodu ku hambaasamay shirar beeleedyo aan xidhiidh la ahayn golaha dhexe ee Xisbiga. 


Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo ka kooban 322 xubnood ayaa qaarkood ay xisbiga ka baxeen, halka siddoo kalenna aanay tiraddani ku jirin Xildhibaanadda iyo Golaha wasiiradda oo iyagu si toos ah uga midnoqonaya xubnaha golaha dhexe ,Wargeyska SAHAN ayaa helay saamiga ku salaysan beelo oo ay mudanayaasha Ku lagdamaya hogaanka Xisbul xaakimka kulmiye u kala hantiyeen Xubnaha golaha dhexe iyo saamiga beeluhu u kala taageereen musharaxiinta Xisbul Xaakinka ee ku wajahan shirka Golaha dhexe fooda inagu soo hayo.









Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post