SHAKHSIYAAD CAQABAD KU AH HANKA UU DOONAYO MUUSE BIIXI EE AH INUU NOQDO MUSHARAXA AAN LAGU WADA HADLEYN EE XISBIGA KULMIYE .IYO XOGIHII UGU DANBEEYAY



Shakhsiyaad Caqabad ku ah Hanka Uu Doonayo Muuse Biixi Ee Ah Inuu
Noqdo Musharaxa Aan Lagu Wada Hadleyn Ee Xisbiga Kulmiye .
HARGAYSA(Wajaalenews) Ilo xogogaala ayaa  xaqiijiyay in gudoomiye Muuse Biixi uu labadii habeen u danbeeyay meelaha lagu caweeyo sida  hutel mansoor    uu ku tiraabay shakhsiyaad ay kulmeen oo iyagu xilal sare ka haya golayaasha qaranku usoo bandhigay mushladaha ku gadaanman hankiisa isagoo u muuqday mid aad uga duwan maalmihii udanbeeyay warar  muujinayeen in ay gul ka gaadheen caqabado badan oo hortaagnaa
Waxaase weedhaha muuse bixi dhex maray xubno ganacsato iyo shakhsiyaad kale badka soo dhigeen in wax wayni iska badaleen sififaalihii uu gudomiye muuse filayay uu quusa ka joogo.

gad gadoonka siyaasada Gudoomiye Xisbiga Kulmiye iyo Hararka raga Miisaanka iyo Kaambeynka adag leh ee kujira Golaha Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye dhexdiisu hadii ay dhacdo in ay tartan
Xalaal ah kuwada Galaan Golaha Dhexdiisa ay suurtagal tahay in Muuse
Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye lagaga takhalusi karo
balse ololaha iyo dhaqdhaqaaqyada Muuse Biixi ka duwan yahey in la
galo tartan xalaal ah oo Reer Kulmiye kaga dhex loolamaan Xisbiga
Dhexdiisa haseyeeshee, uu fikirkiisu daaran yahay in isagoo halkaa
taagan loo Xukumo in aan Murashaxnimada Xisbiga Dhexdiisa loogu tagin
taas, oo sida ay ku dhacdaa iyo suurtagalkeedu yahay mid geed sare
waab ah
Laakiin Riyooyinka Mujaahid Muuse Biixi ay safka hore kaga jirto
iyadoo dad badani aamisan yihiin in uu fikirkaa ku seexdo kuna soo
tooso
Waxaana dadka Siyaasada Xisbiga Kulmiye dhexdiisa u dhuun daloolaa had
iyo jeer Tusaale usoo qaataan in Mujaahid Muuse Biixi
Cabdi(Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye),sadex looga baahnaa ninka madaxnimo
doonaya uu sadexdaba magan yahay mid uu Gancasde ina Aw Siciid Magan
uga noqdey oo ah waa in ninka Madax ahi deeq lahaado, iyo inuu
Cadaalad lahaado oo uu hada magan yahey Madaxweyne Siilaanyo iyo
qoyskiisa
iyo in uu gudoon lahaado oo taasina ay ka barqa jabisey kooxaha uu u
qeybsan yahey Kulmiye oo iyagu ah   Kooxo  aad u kooban,
sikastaba ha ahaatee dhaqdhaqyada loogu jiri loolanka xisbiga kulmiye dhexdiisa ayaa waxaa isasoo taraya xulafooyinka uu ka dhaxeeyo loolanka adagi kuwaasi oo maalmihii udanabeeyay wasiirka arimaha dibada uu shirar hoose la qaatay qoyskiisa kaasi oo sida wararku xuseen ay kubaaqeen in dhaqaale iyo arinba lala garab istaago hanka wasiir biixi .

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post