Nuxurka Warqadii Uu Madaxweyne Siilaanyo U Soo Qoray Golaha Wakiilada Iyo Fadhiga Maanta Ee Xaasaasiga Ah




Hargeysa (Arabsiyowweb)-Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa maanta yeelanaya fadhi xaasaasi ah oo la filayo inay kaga arrinsadaan go’aanka uu Madaxweyne Siilaanyo dib ugu soo celiyay go’aankii uu goluhu ku laalay bixinta haamaha shidaalka Berbera. Fadhiga ayaa la filayaa inuu noqdo mid adag oo ay xildhibaanada muxaafidka ahi ku soo bandhigayaan dhambaalka uu Madaxweynuhu u soo gudbiyay shirguddoonka. Geesta kale madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ku dooday inaanu weli dhammaystirmin heshiiskii ay xukuumadda Somaliland la galaysay shirkadaha shidaalka keena ee maamulka haamaha shidaalka Berbera lagu hoos gaynayay ee ay golaha wakiiladu go’aanka ka gaadheen. Sidaas wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay qoraalka uu September 2. 2015 dib ugu celiyay golaha wakiilada go’aankii ay hore ugu laaleen wareejinta iyo kiraynta haamaha shidaalka Berbera. Warqada Madaxweyne Siilaanyo uu ku socodsiiyay shirguddoonka golaha wakiilada ayaa waxay u dhignayd sidan, 

Ku: Shirguddoonka golaha wakiilada JSL 

Ujeedo: Soo celin go’aanka golaha wakiilada go’aan LR.GW/G/KF-28/670/2015 ee 30/08/2015
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. 

Markuu arkay, qodobada 80aad iyo 90aad ee dastuurka Jamhuuriya Somaliland, Markuu arkay go’aanka golaha wakiilada JSL soo saaray ee uu ku taariikhaysan 30/8/2015 sumadiisuna tahay GW/G/KF-28/670/2015 ee 30/08/2015, ujeedadiisuna tahay go’aanka ansixinta laalista bixinta haamaha kaydka shidaalka Berbera, Markuu arkay qodobka 12aad, faqradiisa 3aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaysa, “Xukuumadu waxay awood u leedahay inay yeelato, gacan ku hayso, h anti-guurto ama ma-guurto ah, inay iibiso, iibsato, kiraysato, kirayso ku bedelato qiime u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan. Markuu arkay in qodobada 38aad, 39aad iyo 54aad faqradiisa 3aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee goluhu u cuskaday go’aankiisa aanay wax xidhiidh ah habayaraate la lahayn nuxurka go’aanka golaha. Markuu arkay in wada hadalka dhex maray xukuumadda iyo ganacsatada reer Somaliland ee danaynaysa maalgashiga haamaha kaydka shidaalka Berbera aanu ahayn heshiis dhammaystirmay. Wuxuu soo saaray; celinta go’aanka golaha wakiilada JSL ee sumadiisu tahay GW/G/KF-28/670/2015 ee 30/08/2015, ujeedadiisuna tahay go’aanka ansixinta laalista bixinta haamaha kaydka shidaalka Berbera, islamarkaana dib ugu soo celiyo golaha wakiilada JSL.” - See more at: http://www.buushaale.com/news/05/09/2015/nuxurka-warqadii-uu-madaxweyne-siilaanyo-u-soo-qoray-golaha-wakiilada-iyo-fadhiga-maanta-ee-xaasaasiga-ah/#sthash.FXuWJ4Mw.dpuf

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post