Haweenka Tallada Dalku Ka Go’do Ayaa Agaasimaya Howsha Wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera Axmed Cumar Cabdilaahi Xamarje

Haweenka Tallada Dalku Ka Go’do Ayaa Agaasimaya Howsha Wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera Axmed Cumar Cabdilaahi Xamarje 


Berbera



Hargeysa (Arabsiyoweb)- Laba siyaasi ee Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarje) iyo Axmed Cilmi Yare, ayaa bogaadiyay go,aankii ay golaha wakiiladu ku laalleen qorshaha wareejinta haamaha, isla markaana waxay labadooduba sheegeen in qorshahan wareejinta haamaha ay wadaan marwadda madaxweynaha iyo wasiiradda maaliyadda oo ay ugu yeedheen haweenka taladda dalku ka go’do. Ugu horayn Axmed Xamarje oo warbaahinta la hadlay wuxuu yidhi; “Go’aankaa ay golaha wakiiladu  qaateen runtii waa mid taageeraya qaranimadda iyo badbaadinta nidaamka dalka.  Aad iyo aad ayaan u taageerayaa waanan ku hambalyaynayaa, arinta meesha taalana maaha macnaheedu wax diid iyo  wax baa la diiday, laakiin arinta meesha ku jirtaa waxa weeye arintii hore ee ina soo martay ee gaadiidka  dartii dekeda birta loo hordhigtay oo kale. Waa arintii shaybaadhkii shidaalka ee wasiirkii hore ee maaliyada lagu eryay tana waa tu la mid ah oo tii oo kale ah, waana arin cid gaar ahi ku shaqaysanayso oo aan qaranimadda soomaaliland iyo duruufta dalkan iyo wixii loo soo maray kabkabkiisa qof aan khibradiisa iyo waaya aragnimadiisa iyo geedi socodkeeda aan aqoonteeda  lahayni uu samaynayo. Cidaasina waa haweenka ay talada dalku maanta ka go’do. Waa marwadda madaxweynaha iyo wasiiradda maaliyadda, iyagaa  hawshan wareejinta haamaha agaasimaya,  cida soo raacdaana waa innamaddaa yaryar ee qasriga jooga ee ehliyadooda ka midka ah. sida  Baashe iyo kuwa kale, iyaga  ayuunbaa waxan walaaqanaya, iyagaa inqilaabka samaynaya, wax alaale iyo waxay ku fadhiisiyeen ma jirto. gobolo kumay fadhiisin, xisaabtii qarankani lahaa ee la yaqaanay  kumay fadhiisin, waxaanay ku fadhiisin kuwii hore u haystay haamaha, nidaam allaale iyo nidaam ay u raaceen ma jirto. gudi qandaraas ayaan la soo marin, markaa waxaasi weeye taladda dumarka ayaa sidan wax u dhigaysa. Waxaas iyo wax ka badan oo kale oo wada noocaas ah ayaa jira, runtiina waxaanu leenay waa wax haykalka iyo nidaamka soomaaliland lagu baabi,inayo.” Dhinaca kale Siyaasiga Axmed Cilmi Yare ayaa isna bogaadiyay go,aanka golaha wakiilada ee laalista qorshaha wareejinta haamaha, isla markaana ku akiday hadalkaa hore cidda ay tahay cidda wadda qorashaha wareejinta. Hadal kooban oo uu arrintaa kaga hadlayana u dhigay sidan; “Marka hore waxaan hambalyaynayaa go,aanka golaha wakiiladda. Marka xigga  arintani waa waa arin aad moodo in waddanka dabaqado loogu samaynayo, magacyo cusub oo Baashe, Xaaji iyo shirkado aynaan hore u maqal ayaa lagu abuurayaa, umaddii reer soomaalilaand na waa lagu kala saraysiinayaa, oo wax a la doonayaa in dabaqado la sameeyo, cidda samaynaysaana waa cida talada maanta  gacanta ku haysa ee muuqata. Ciddaana  cidwaliba way ogtahay  waana labadaa marwo ee Marwadda madaxweynaha iyo wasiir Samsam, iyagaa meesha ka taliya, qorshahan wareejinta haamuhuna  ma aha ujeedo wadanka horumarkiisa iy  haamaha horumarkooda iyo dhaqaalaha wadanka u kordhiya looga dan leeyahay, laakiin waa mid cid gaara wax loogu abuurayo, markaa waxaan u hambalyaynayaa mar iyo labba iyo saddexba baarlamaanka soomaaliland  go;aankii ay ka qaateen oo ahaa go;aan geesinimo leh oo sumcad iyo karaamo u soo hooyay iyaga, dadkana xuquuqdooda ugu ilaaliyay. aad iyo aad bay u mahadsan yihiin ayaan leeyahay.”  

source Buushaale News Network 

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post