Hargeysa(Arabsiyoweb)-Warar Wargeyska Yool ka helay Diblamaasiyiin ku sugan Bariga dhexe, ayaa tibaaxay in Dawladda Imaaraadku aqbalsiiyeen Madaxweyne Xasan Seekh inuu magaca Somaliya ku xalaaleeyo heeshiis hore uu dhex-maray Shirkadda DP Wold iyo Xukuumadda Somaliland, kuna saabsan maamulka iyo gacan-ku-haynta Dekedda Berbera. Ma jiro war si cad daboolka kulanka labada Masuul iyo waxyaabihii kale ee ay ka wada-hadleen.
Hase-yeeshe sida iluhu tibaaxen Madaxweyne Xasan-ka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhaxal-sugaha mandaqada Abu Dubai, ahna ku xigeenka Abaanduulaha Ciidamada xooga UAE Shaikh Mohammad Bin Zayed Al Nahyanþ, kaddib booqasho Madaxweyne Xasan-ka Soomaliya Axaddi Todobaadkan ku tagay Imaaraadka. waxa kaloo wararku intaa ku dareen in soo rogaal celinta sheekada ku saabsan wareejinta Dekedda Berbera iyo soo afjarista ogolaansha Dawladda Somaliya uu ka dhashay dalab Xukuumadda Somaliland uu gudbisay Dawladda Imaaraadka, kaasoo sida xoggaha lagu sheegay qabyo qoraalkiisu uu dhignaa in Maamulka somaliland dhankiisa diyaar uu yahay dardar-gelinta heeshiiska wareejinta Dekedda, iyo sidoo kale, cadaadisyo Siyaasadeedoo Xukuumadda Somaliland kaga yimii Asxaabta Mucaaridka iyo Beesha Caalamka iyo weliba duruufo dhaqaale oo food-saaray Khasnadda Dawladda Somaliland.
Geesta kale, waxa xoggaha lagu xusey in dalabka Somaliland ee arrimaha ku saabsan Dawladda Imaaraadka uu u gudbiyey Wiilka Madaxweynuhu sodogga uu ahay ahna Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka, iyadoo sidoo kale-na sida xogaha qaar tibaaxen dhamaystirka heeshiiska Somaliya ee Dekedda Berbera, waxa isla arrinka uu baxay Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Xoor xoor, oo isaguu Salaasadii Tobobaadka uu baqooley Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, xogo isla amuurtan la xidhiidha oo wargeysku helay, ayaa lagu sheegay in Dawlada Imaaraadka iyo Shirkadda DP Wold xaqul qalin u siiyen Xumuukadda Somaliland 10 Milyan oo Doollarka Mareynkanka ah,
Docda kale, warar uu baahiyey Wakaaladda Diblamaasiyadda iyo amaanka, oo kana soo xigtay Wakaaladda wararka ee Imaaraadka Carabta, ayaa daboolka ka qaaday in daxal-sugaha Mandaqadda Abu Dubai iyo Madaxweynaha Soomaaliya kulanka kooda kaga wada-hadleen arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinaca horumarka ee labada dal, taakuleynta Bulshada Soomaalida iyo sida Dawladda Imaaraadka uga go’aan-tahay inay Somaliya ka taageerto amniga, maalgashiga iyo taageeradda gargaar Bini-aadanimo, waxa kaloo Wakaaladdu warkeeda ku xustay in Madaxweyne Xasan-ka Soomaliya dhankiisa uga mahad-celiyey Dawladda Imaaraadka taageerada la bar-bar joogto walaalahooda Soomaaliya.
Tags
NEWS