Hargeisa-(Arabsiyoweb)-Wasiir-xigeenka Qorsheynta Somaliland Cabdikarim Axmed Mooge ayaa goor dhaweyd iska casiley xilkii.
Wasiir xigeenka ayaa qoraal ku saabsan iscasiladiisa soo dhigay bartiisa Face-book-ga.
Qoraalka iscasilada oo dhamaystiran halkan ka akhri:-
“Waxaan halkan ku cadaynayaa in aan iska casilay xilkii aan ummada u hayay is-casiladeydiinaa aan u gudbiyay madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland, waxaan uga mahad naqayaa madaxweynaha xilalkii kala duduwana ee uu magacaabey si aan ummadadeyda ugu shaqeeyo.
Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa labadii wasiir ee aan la soo shaqeeyay intii aan ka tirsanaa xukumadan Somaliland, Dr Sacad Ali Shire iyo wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka bada Mudane Ali Jama bureed oo ah laba nin oo aan ixtiraam u hayo iyo shaqaalihii labada wasaaradood. Waxaan mahad taas la mid ah u dirayaa qofkasta oo igu tageeray intii aan xilka ummada u hayay.
Waxaan rabaa uun in aan u madax banaanado hawlo ii gaar ah, oo ay ugu weyntahay Oloolaha la dagaalanka Qabyaalada iyo u doodida sinaanta shacabka Somaliland”. Ayuu yidhi
Tags
NEWS