Waxa Maanta Hadhimo Sharafeed Loogu Sameeyay Magaalada Arabsiyo,Wafti kasocda Dalka Djibuti,Waftigaa waxa Hormuud ka ahaa Wasiirkii Hore ee warfaafinta ee Dalka Djibuti,Cali Cabdi Faarax,Safiirkii uu Dhawaan Madaxwayne Geele Usoo Magacaabay Soomaaliland iyo ganacsato,iyo Masuuliyiin kale,Waxaana Munaasabadan qado Sharafta ah kasoo qaybgalay,Wasiirka Warshadaha Soomaaliland,Badhasaabka Gobolka Gabilay,Xoghayaha Fulinta ee Dagmada gabilay,Abwaan Abdi qays iyo Qaybo kamida bulshada ku dhaqan Dagmada Arabsiyo,
Waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Warshadaha soomaaliland Shacayb Maxamed Muuse,Waxaanu Tilmaamay wasiirku inay Waftiga kasocda Dalka Djibuti kusoo dhawaynayaan Dalkoodii Labaad ee Soomaaliland,Gaar ahaan Dagmadii dalxiiskiyo waxsoosaarka,ee Arabsiyo,Waxaanu yidhi Anigoo ku hadlaya Afka Xukuumada aanka Tirsanahay waxaan si kal iyo Laab ah idiinku soo dhawaynayaa Magaaladii arabsiyo,Runtiina waxa ka dhexeeya Labada Dal ee Soomaliland iyo Djibuti,Walaaltinimo,iyo Soohdin Wadaag,Waxa kaloo bulshada Reer Djibuti ee Aanu Walaalaha Nahay Naga Dhexeeya Dhankasta wada Shaqayn Qoto dheer Waxaanu diyaar unahay Ka Xukuumada ahaan in Markasta uu Macaamil Wanaag nadhex maro madaxda djibuti,Waxa kaloo halkaa ka hadlay Wasiirkii Hore ee Wasaarada warfaafinta Dalka Djibuti,Cali cabdi faarax waxaanu ka mahadnaqay Munaasibadan Qado sharafta ah ee loo sameeyay waftiga,Waxaanu kula dardaarnay Safiirka Ay Djibuti soo Magacawday Sidii uu Xidhiidhka labada Dal u xoojin lahaa,Bulshada soomaaliland ku dhaqana uu macaamil fiican ula Yeelan lahaa,Safiirka cusub ee dalka Djibuuta Cumar Xuseen ayaa Dhinaciisa uga Mahad celiyay Hadhima sharafeedka loogu sameeyay Magaalada Arabsiyo,Waxa kaluu tilmaamay xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya Labada Dal inuu sii hormarin doono,Cilaqaadka iyo xaga Waxwada qabsiga Labada Dawladood
Wariye Muuse Xuseen xasan
Tags
NEWS