Maxkamadda Federaalka Mareykanka oo diidday Rafcaan ay ka Dalbadeen Haween Soomaaliyeed



Maxkamada Racfaanka Maraykanka ee loo yaqaanno [The 8th U.S. Circuit Court 
of Appeals] oo ku taalla magaalada St. Louis ayaa Qaadacday codsi ay rafcaan 
ku dalbadeen laba Haween Soomaaliyeed ah oo horayna loogu xukumay 20-
sano iyo 10-sano oo Xabsi ah.
Aamina Farax Cali oo 39- jir ah iyo Xaawo Max'ed Xasan oo 68-jir ah ayay 
Maxkamadda Darajada Kowaad ee Magaalada Minneapolis ee dalka 
Mareykanka 
Xukunno ugu Ridday Sannadkii 2011-kii.

Haweenkan Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyay inay door weyn ku lahaayeen 
ururinta lacag lagu taageerayey Al-shabaab, iyadoo ay horay Danbi-baarayaasha 
dalka Maraykanka ugu eedeeyeen labadan haweenka ah in ay lacag u ururiyeen 
xubno Al-shabaab ka tirsan oo ku sugan Soomaaliya.

Dacwadda Racfaanka ayay Qareennada Matalayey Haweenka ku sheegeen in 
maxkamadii ee haweenkan hore aysan u dhicin si dhex-dhexaadnimo ah; isla 
markaana garsoorihii ugu riday Xukunka ee Michael Davis uu muujiyey inuusan 
Dhex-dhexaad ka ahayn Dacwadda kaddib markii Xagjirnimada Islaamiyiinta uu 
la bar-bardhigay tan Argagaxisnimada.

Maxkamada Racfaanka ayaa Taageertay Xukunkii Horay loogu Riday Aamina 
Farax Cali oo 20-sano oo xabsiya ahaa; kaddib markii lagu helay 12 qodob oo 
dambi ah, halka Xaawo Maxamed Xasan iyadana lagu xukumay 10 sano oo 
xabsi 

ah kaddib markii lagu helay laba qodob oo dambi ah oo ay ku jirto inay danbi-
baarayaasha been u sheegtay.

Dhanka kale, Dowladda Mareykanka ayaa Sheegay in Gobolka Minnesota oo 
keliya 20 qof oo Dhallinyaro ah laga Qoray si ay ugu Dagaallamaan Ururka Al-
shabaab oo Muddo dheer isku-dayaysay inay xukunka ka tuurto dowladda 
Somalia ee ay reer Galbeedku taageeraan.
Ugu dambeyn, Qareennada u doodaya Aamina Faarax Cali iyo Xaawo Maxamed 
Xasan oo lagu kala Magacaabo, Sara iyo Zalkin ayaan weli war ka soo saarin 
Dacwadda Haweenkan loo haysta

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post