Arabsiyo(arabsiyoweb)Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Ee dagmada Arabsiyood,Ayaa xukuumada soomaaliland ku dhaliilay,Waxka qabashada la'aanta Maamulka Fadhiidka ah ee Dagmada Arabsiyood,kaasoobay yidhaahdeen CuryaamiyayKaabayaashii Aasaasiga ahaa,ee ay umadu ubaahnayd,Dhamaantood,Dhanka kale waxay soobandhingeen kaawaan qabya ah oo ay musuqmaasuqeen Maayerkii hore ee gabilay,hadanaha wasiirka warshadaha,Shacayb maxamed muuse,iyo xoghayaha Fulinta ee gabilay C/raxmaan Nuur abokor,kuwaasoo ku tagri falay Kharashkii loogu talo galay kaawaankaas oo hada aan kala badhna Taagnayn,Waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay gudoomiyaha Xisbiga wadani ee Arabsiyood Guuleed maxamed Cabdi suldaan,Waxaana kamid ahaa hadaladiisii,Maanta waxaanu joognaa Dagmadii Arabsiyood oo aad moodo Inaanu maamulba ka jirin,sobobtoo ah,Waxay ka Araday Kaabayaashii Aasaasiga ahaaee bulshadu ku noolayd,iyagoo iibiyay dantii guud,taasoo aanay Maanta jirin meel ay caruurtu ku ciyaaraan,ku darsoo,Qashinkii ayaa Buux dhaafiyay Magaalada dhexdeeda kaasoo ay ka dhalan karto caafimaad daro,,Guntii iyo gabagabdii waxa soo afmeeray afhayeenaka Xisbiga wadani ee Gobolka gabilay,Maxamed Nuux waxaana kamid ahaa hadaladiisii,waa ayaan daro in ay xukuumadii soomaaliland oo dhami ku mashquusho safarka madaxwaynaha iyagoo iloobay shaqadii ay umada u hayeen,Waa ayaan darada ina haysata Aaway maamulkii Magaaladan arabsiyood ku magacawnaa,ee ka masuulka ahaa,markii ay waayeen cid kula xisaabtanta ayay dayaceen magaaladii bal daawo Gudaafadii ayaa gaadhay magaaladii,Biyo la aan aan baahsan oo ay Surmi U dhimanayaan Dadwaynihii magaaladu,waxaanu cod dheer KU Sheegaynaa Hadaanu nahay Wadani In loosoo gurmado Dagmadii arabsiyo,Aaway badhasaabkii,waxa lagaaga fadhiyaa Inaad Kula xisaabtanto,Dayaca maamul Ee jira,Magaalada Arabsiyo,Musuqa Ay sameeyeen xghayaha gabilay iyo Wasiirka warshaduhuna cida ay bulshadu kala Xisaabtamaysaa waa adi Masuuliyadaadii ayaad gabtay,
Wariye muuse xuseen xasan
Tags
NEWS