Addis ababa (Arabsiyoweb) – Arday reer Somaliland ah oo wax ku bartay Jaamacadda New Generation laanteeda Hargeysa, ayaa maanta xafladda Qallin-jabintooda lagu qabtey Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis-ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Munaasibadda qalinjabinta ayay ka qayb galeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland iyo Ethiopia, Safiirro, Agaasimayaal, Maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda New Generation. Waxaana ardayda qallin-jabisay barteen culuumta siyaasadda, ganacsiga, Caafimaadka iyo Koombuutarka, sida uu halkaasi ka sheegay Maamulaha Jaamacaddaasi. Guddoomiyaha Jaamacadda New Generation, Mustafe Alkhaliili ayaa xafladda ka sheegay in ardayda Qallin-jabisay yihiin dufcaddii 3-aad ee wax ku barta jaamacadda qaybteeda Hargeysa isla-markaana barteen Culuumta la xidhiidha Siyaasadda, Caafimaadka, Ganacsiga iyo Computerka “Marka hore waxaan u mahadnaqayaa Masuuliyiinta uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee nagala soo qayb galay Munaasibaddan qalinjabinta dufcaddii saddexaad ee ka qalinjabisay jaamacadda New Generation, kuwaasi oo bartay Culuumta Siyaasada, Caafimaadka, Ganacsiga iyo Computer-ka, waxaanan ugu talo galnay inay dhiirigalin u noqoto ardayda wax ka barata jaamacadda New Generation, Waxaanan ku amaanayaa masuuliyiinta nagala soo qayb galay siday u dhiirigalinaya waxbarashada iyagoo safarkaasi dheer u soo maray inay ardaydooda kala qayb qaataan Munaasibadan qalinjabinta” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Jaamacaddaasi. Maamulka Guud ee Jaamacadda New Generation ee qaybteeda dalka Itoobiya oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay Somaliland iyo Jaamacadda ardaydaasi ay soo saareen iyagoo u ballanqaaday inay qaybaha kale ee Master-ta ay gaadhsiin doonaan Hargeysa, waxaanay hambalyo u direen dhamaanba ardaydaasi qalinjabisay. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hor intii aanu soo dhoofin Addis-ababa hadal ka jeediyay xafladda Qallin-jabinta ayaa yidhi “Waxaan amaanayaa Jaamacadda New Generation kaalinta ay kaga jirto dardargalinta waxbarashada Somaliland iyo isku xidhka labada dawladood ee Ethiopia iyo Somaliland, waxaanan hambalyaynayaa ardayda qalinjabisay” Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa isaguna yidhi “Waa wax wayn Ardayda Somaliland ee ku qalinjabinaysa jaamacadda New Generation, waxay muujinaysaa walaalnimada ka dhaxaysa Somaliland iyo Ethiopia, waxaanay hormood ka noqon doontaa arintani inay Somaliland ictiraaf ka hesho beesha caalamka” - See more at:
Tags
NEWS