Hargeysa (Arabsiyoweb)-Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Ka Warbixiyey Iska HorImaad Ciidanka Booliska Iyo Rag Hubaysan Ku Dhex Maray Koonfurta Hargeysa Iyo Khasaaraha Ka dashay
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay hawl gal ay ciidanka boolisku ka fuliyeen dhul la isku haysto oo ku yaalla xaafadda masalaha ee koonfurta Hargeysa.
Taliye Fadal oo shir Jaraa’id galabta ku qabtay xafiiskiisa isaga oo ay wehelinayeen saraakiil kale oo ciidanka ka tirsan, ayaa waxa uu sheegay in ay ciidanka booliska laba askari kaga dhaawacmeen hawl galkaasi, isla markaana raggii hubaysnaa ee la dagaalamay gacanta lagu soo dhigay iyaga iyo hubkoodiiba.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa jiray dhul ku yaalla masalaha galbeedka Caasimadda Hargeysa, kaas oo muddo dheer dhinacyo kala duwani isku haysteen oo muran ka taagnaa, markaa dhinacyadaas mid ka mid ah ayaa waxa uu dhigay Kontiinar, ka bacdi dawladda hoose oo dhulka inooga masuul ah koontiinarkii ayaa la soo qaadayey, markaa ciidankii booliska ee hawl galkaas fulinayey oo hubaysan, waxaana halkan yaalla laba qori iyo bambo, intaas ka dib waxaan idiin sheegayaa in halkaas hawl gal adag oo rasaas badan la is waydaarsaday ka dhacay, laba askari ayaa ku dhaawacmay halkaas oo mid dhaawac sahlan ah iyo mid ay bawdada kaga dhacday, “Sannadkan waxa ciidanka booliska inta ku dhaawacantay ay gaadhayaan 67 askari, waxa ay ku kala dhaawacmeen rasaas, faashash iyo waxyaabo kale, dhowaan waxa lagu dilay laba askari ayaa lagu dilay buurta kala jeexan, waxa isaga hal askari lagu dilay daloodho”
Tags
NEWS