FACEBUUGEYGA IYO KEENA
Waa xili is xog wareysi, jacayl iyo gooni ahaansho!
.
.....markaas uumbay tidhi " Waar Horta miaanad maqal iney Canab na Facebook soo furayay '
........Markaasuu yidh " sow minkeeda kala mey tashan arrintaas '
..... Markaasay tidhi " miyaad yara khafiiftey mise Facebook ga ayaadan fahamsaneyn, maxay kala tashataa?"
....... Markaasuu yidhi " cidii usoo furtey ma taqaan ?"
.... Waxay tidh " kkkk dee waa kii waalaaye Cabdi Faybar "
...... Waxu yidhi " Hada ayaan wacayaa! Show ninka reeraha dhaqan xumada baraa waa isaga ".
Ring Ring Ring.... Hello! " Haa ma Cabdi Faybar baa?
> Haa waa Cabdi Faybare, Maxaa dhacay sxb maanta eed iisoo wacday?
> waxan ku weydiiyey ninka Canab Dhaylo Facebook ga u furay sow adi maaha?
> Haa waa aniga!
> miyaad minkeeda kala tashatay, maxaadse ugu furtey?
> Horta bahalkani maaha wax cidi-cid kale ay kala tashato, mida kale Gabadhaada ayaa gabadhan ugu faanta maalin kasta, markaas sidaas ayaan ugu furay
> Waar maxaad tidhi! Magabadheydaa Facebook leh?
> Dee bal iyada wareyso waataa kaa hoos hadaleysee!
> Naa Cabdi Faybar war kan uu sheegayo ee uu leeyahay Muuna-bbc ayaa facebook le Maxaa ka jira?
> Xabiibi horta raali noqo! Kumaan sheegin inaan facebook leeyahay lakiin waxa qudha een u haystaa waa inaan kaaga ku difaaco, oo marka naago af-dhaadheeri comment kugu aflagaadeeyaan aan sutida u qabto sidii tii maalintii dhaweyd sidatey Shamis-Sheekeyso!
> Hayaay! Haday dhacday! Oo adna teed ahayd ?
> kkkk Dee Ladan Weyrax!
> Hayaay! Ma naagtii Shamis/Sheekeyso wadhay ayaad hayd ee markii dambe text ka aan u direy?
> kkkk Dee waataad Telefoon number ka isoo weydiisatay KKK wuu haystaa ayuun baan is idhi!, Laakiin hablihii kale ee ku oriyey miyaad garanaysay?
> Maya laakiin saddex ayey ahaayeen! Allase hablo goba ayey ahaayeen! Asal kkkk wey kaga tuureen meesha!
> kkkkk waxay ahaayeen hablaheenii, Fiski, Jamaad iyo Kaltuun
> Walee la ceebow! Bahalkaa text ka habaar ayaa iga dhacay oo waxaan ka baqayaa in hablaheenii ayagana text igaga siibtey!
> kkkkk Allaa! Waa show waxay la qosqoslayeen eey lahaayeen aabaa text virus ahi nooga soo dhacay!
> Walee garte inuu fayras ahaa! Fariido dheh! Hada meel ayaan balan ku leeyahay oo waan tagiye nabad gelyo!
> Nabaadiino oo Virus kana yaree KKK
> Fayras baad sheegey saaye waan dabar jarayaa!
Faarax Boodsane bax asaga oo yaaban oo Isla hadlaya " Walee tani masii joogo ee meesha aan ka tahriibo!"
By Siciid Ciise Ileeye LA SOCO