WAR DEG-DEG MADAXWEYNIHII PUNTLAND OO SOCDAAL SAXAAFADDA LAGA QARIYAY HARGEYSA KU YIMID IYO WEEDHAHA SALAADIINTA


ARABSIYO(ARABSIYOWEB)Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa galinkii dambe ee axadda ka soo degay Madaarka caalamiga ah ee Cigaal. Faroole, ayaan loo ogolaan saxaafaddu inay socdaalkiisa wax ka waydiiso, balse madaxdhaqameed, wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale iyo xubno xukumadda ka tirsan ayaa Madaarka Hargeysa ee Cigaal ku soo dhaweeyay.

“Anagu haddaanu nahay madaxdii dhaqanka Somaliland, waxaanu soo dhawaynay madaxweynihii hore ee Puntland oo halkan u yimid arrin shakhsi ah oo ku saabsan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid. Haddaanu nahay dhaqanka Somaliland saddex jeer baanu u tagnay Madaxweyne Faroole, saddexdii goor ba si wanaagsan buu noo qaabilay, markaa anaguna si wanaagsan baanu u soo dhaweynay” ayuu yidhi Suldaan Xiiray oo Saxaafadda la hadlay.

“Anagu dhaqan ahaan meel kasta oo aanu joogno Suldaan baanu nahay.nin kasta oo Soomaaliyeedna madaxdhaqameed baanu u nahay, siyaasiyiinta iyo xuduuduhuna waa arrimo gaar ah. Cabdiraxmaan Faroole markuu Madaxweynaha ahaa nin qiimo badan buu ahaa, nin intan iyo in ka badan lagu soo dhaweeyo ayuu ahaa” ayaa ka mid ahaa hadalka madaxda dhaqanka.

Xogaha laga helayo socdaalka Faroole, ayaa tibaaxaya in socdaalkiisu salka ku hayo samirsiinta iyo soo bookhashada Ehelada Xaaskiisii oo dhawaan geeriyootay, kana soo jeeday Somaliland.
Mudane Faroole, ayaa dalka ku yimid ogolaansho uu xukumadda ka helay maadaama aanay Siyaasiyiinta Somalia awood u lahayn imaanshaha Somaliland, lamana oga inta uu joogi doono Somaliland.

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post