Xildhibaan Siciid Cilmi Roble oo ka mida baarqabada Waddani ayaa ku jimicsaday xildhibaan Cali mareexaan oo ah ragga uugu cilmiga iyo aqoonta daran Kulmiye. Siciid su’aal uu weydiiyey Cali Mareexaan ayuu ku waashay ii kaadi annaa kaaga jawaabaya kamana uu jawaabin. Wuxuu weydiiyey laba Guest House iyo aqal baad leeday ee xageed ka keentay. Cali mareexaan oon ABC garanayn oon skuulna soo marin ayaa wuxuu ka mid yahay xildhibaanada qandaraas yada waa weyn laga siiyo Madaxtooyada. Cali mareexaan waxna ma qoro waxna ma akhriyo. Talow ma quruxda ayuu ku helaa qandaraas yada mise qabyaalad. Kulmiye sinaba uulama doodi karo hal doorka Waddani sababtoo ah cid hebel la yidhaa oo xisbiga Kulmiye ku hadhay oo doodi kara laba sadex qof baa jira halka xisbiga Waddani ragga daayoo aan dumar kooda laga gayoon karin. Ma Kulmiye ayaa la doodi kara Siciid Cilmi Roble, Ibrahim Buubaa, Abdiraxman Xoog, Rayte, ina riya raac, Mustafe, Muumin Seed, Cali aareeye, Siciid Sulub, Duur, Mohamed Dayr, Siciid Raagge iyo qaar kaloo badan, ma Silaanyo ayaa la doodi kara Abdirahman Ciro. Jawaabtu waa maya maya maya. Hadaba waxba yaan Kulmiye badka is keenin iyagoon sua’al qudha ka jawaabi karin oo ku fashil may inay doorasho qabtaan. Siciid Cilmi Rooble doodaa uu Cali mareexaan gidaarka qabad siiyey ee uu ku dul socday gacan baan u taahay. Cali mareexaan waa xildhibaanka uugu taajirsan ee madaxtooyadu u soo dhiibto dhaameelka loo qeybiyo xildhibaanada Kulmiye qandaraasyada uugu badana la siiyo. Markuu lacag badan helay buu khalad fahmay oo uu is mooday in uu rag ruug cadaaya oo daacada la doodi karo.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com