arabsiyo(arabsiyoweb)
QAYBTII LaBAAD
Shirqoolkii Lagu Daldalay Maxamuud Xusseen Mataan Bishii Setember Saddexdeedii 1952 Xabsi Ku Yaalay Boqortooyada Biritan Gaar ahaan Gobalka Wales Caasimadeeda Magaalad Kaardif(Cardif) Qaybtii 2aadXilliyadaas uu Maxamed Xusseen Mataan uu shaqadaas Badmaaxnimada u raadsadey ee uu Berbera uuga anbaxay halkaas iyo dalkii Yemanta Koonfureed gaar ahaan magaaladii weynd ee Cadmeed oo xlligaas mustacmaradii Boqortooyadii Ingiriisku dalalkii mustacmarada u ahaa ki mid ahaa oo aay Cadana aay tahay xilligaas magaalooyinka uugu waaweyn ee ku yaala bariga dhexe iyo guud ahaanba qaarada afrikoo dhan aaney jirin wax magaalo ah oo u dhigma magaaladaa Cadmeed marka laga eego xag maal aduunyo, baayoc-mushtar, ku kala iibsiga badeecadaha laga keeni jirey afrika iyo bariga fog iyo kuwo kale oo badan oo laga soo dhoofin jirey Dekadii Berbera oo aay xilligaas mustacmaradii Boqortooyada Ingiriiska ahaayd halka qudha ee ubucda u ahaayd. Badeecadahaas markaa laga soo dhoofin jirey Dekada Berbera waxaa ka mid ahaa Xoolaha nool oo lagu masruufi jirey saldhigyadii ciidan ee aay mustacmaradii Ingiriis u fadheyey magalada Cadmeed iyo guud ahaanba dalkii la odhan jirey Yementii Koonfureed ee xornimadiisa ka qaatay Boqotooyada Ingiriiska markuu sanadku ahaa 1967 ee markii dambe la midoobay walaalahoogii Yementa waqooyi markuu sanadku ahaa 1990 kii ,halkaas oo aay ku aas-aaseen dawlad labadii gobol ee israacaya oo la magac baxay jamuriyada Dalka Yemen halkaas oo Casimadiisiidiina laga dhigay magaalada Sanca oo ku taala Waqooyiga Yemen ilaa imikana ah Caasimadii weynay ee Dalka Yemen.Cadani xilligaas aay haaysatey mustacmaradii Boqortooyada Ingiriisku waxa aay ahaayd magaalo la holin-waayey oo aay iskugu yimaadaan maraakiibta iyo doonyaha waaweyn ee u kala goosha caalamka ilaa iyo xilli kaloo fogna waxa aay Cadani ka mid ahaayd magaalooyinka uugu waaweyn iyada iyo Bombay ba ee bariga dhexe iyo Afrikada Bari iyo ta Galbeedba kulmisa ama qaaybisa xidhiidhkooda baayac-mushtar. Waxa magaalaa Cadmeed dadka xilligaas ku noolaa lagu tilmaamaa magaalo kulmin-jirtey jinsiyado badan oo aduunka ka mid ah (Cosmopolitan City) iyo diimo badan oo aay dhamaantood dadyowgaa diimaha iyo jinsiyadaha kala duwan aay ka kala yimaadeen dalalkii Boqortooyada Ingiriiska mustacmarada u ahaa iyo kuwa kale oo ka yimid guud ahaan dalalka Orooba oo dhan. Dadwoowgaa jinsiyadaha kala duwan ee waagaas Cadan ku noolaan waxa aay kala ahaayeen sida jinsiadaha yurub dadka ka soo jeeda, Hiyuhuuda, Carabta, Hinddiya ,Soomaalida iyo kuwo kale oo badan oo Afrikaana.Magaalada Cadmeed oo ku taalay Gacanka- Bada Cas oo xudunta Baabul-Mamdam ayaa ahaayd magaalo dhinaca kale kaga soo jeeda Dekada Berbere, Saylac, Djibouti, kuwaas ama magaalooyin-kaas oo la lahaahaa Dekade magaalada Cadmeed xidhiidh guuna o qoto dheer gaar ahaan labada Dekadood ee kala ah Berbera iyo Saylac labadaasi Dekadood oo ahaa dekado qadiimiyaha oo xidhiidh qoto dheer la lahaa Dekada Cadmeed waxaana labadaas dekadood oo kale iyaduna soo raacaysey oo xidhiidh ganacsi la lahaayd Dekada Cadmeed waa Dekada Buloxaar .Waayo Dekada Jabuuti waxaa la aas-aasey ama la yagyleelayba magalada Jabuuti iyo Dekadeedaba gu,gii sanadkii 1888 kii waxaana Dekada Jabuuti ka da,a weyn Dekadaha iyo magaalooyinka Tojoto iyo Obakh oo la xilli ahaa Dekadaha Saylac iyo Obakh iyo magaalada Tojora. Marka taariikhda raad-raaceega dib loo jaleeco Obokh iyo Tojoriba waxa aay hoos iman jiree Saldanadii Adal ee faca-weynd, weloo markii uu sanadku noqday 1868 kii uu Suldaankii Canfarta ee fadhiyey magalaadada Obakh uu hishiis la galay Mustacmarkii Faransiiska isla sanadkaa 1868 oo uu mustacmarkii Faransiisku uu saldhig ciidan ka samaystey meesha loo yaqaan (Asageela ama Asaceela) oo uu markii dambena ku soo siqay magaalada imika la yidhahdo Jabuuti halkaas oo uu Dekad ka sameeyay Faransiisku oo uu deegaameeyay .Magaaladaas Mustacmarkii Faransiisku sanadku markuu ahaa 1886 ilaa 1888 kii. Faransiiska ujeedadiisu may ahaayn oo qudha in uu ku ee kaado Dekadaha Obokh, Tojoro amase Jabuuti balse waxa uu damiciisu ahaa mid intaas oo dhan ka sii durugsan ama ka sii xeel-dheer . Waxaanu rabay Saylac ilaa Bulo-xaaar in uu qabsado balse arinkaasi waxa aay iska qabsadeen oo ka diidey damacaasi Boqortooyada mustacmaradii Ingiriis oo rabtey in aay qabsato Saylac iyo Berbera si aay ciidamadeeda Cadan fadhiya aay uugu hesho xoolaha nool ee markaas dhulka soomalidu hodonka ku ahaa ee laga soo dhoofin jirey Dekadaha Berbera, Saylac iyo Bulo-xaar iyo kuwo kaloo badan sida Xiis iyo Mayd, Laas-Qoray, Xagal.La Soco Qormooyinka DambeKhadar Jaambiir SKU DUBA RIDKII WArIYE MUUSE XUSEEN XASAN