INTAYNAAN XAQQA ISKU SHEEGAYN EE NIN WALIBA NINKA XIGA GARDARRADA KU TAAGEERAYO WAXAYNU DOONAYNO MA GAADHAYNO” MADAXWEYNE XIGEEN SAYLICI OO KU DHIIRADAY KA HADALKA DHIBAATOOYIN JIRA



“ Intaynaan Xaqqa Isku Sheegayn Ee Nin Waliba Ninka Xiga Gardarrada Ku Taageerayo Waxaynu Doonayno Ma Gaadhayn Madaxweyne Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in bulshada Somaliland muran ka dhigtay Dimuqraadiyadda, islamarkaana aan fursad uu ku shaqeeyo la siinayn Hogaanka la doorto. “Waxan la yidhaahdo tartanka iyo Dumuqraadiyaddu wakhti buu leeyahay. Maalinta ay tartanka joogto nin walba halka uu marayo iyo cidda uu u codaynayaa waa halkeeda laakiin, wixii haddaynu joogto ka dhigno, oo muran ka dhigno oo maalinta la doorto qofka ilaa maalinta uu ka baxayo ee muddo xileedkiisu dhammaanayo inta u dhexaysa wakhtiba la isa siin waayo nasiib darro ayaynu ku sugnaanaynaa” ayuu Mudane Saylici ku yidhi Khudbad uu Salaadii Ciidal Fidriga u jeediyay shacbiga Somaliland. 30-kii January 2013, Madaxweyne Siilaanyo Khudbad uu labada gole Baarlamaan u jeedinayay waxa uu ku sheegay inaan maalin loogu darayn muddo xileedkiisa ku eekaa 26-ka June 2015, waxaanu maalintaas yidhi “Sidaad ka war haysaan waxaan ahaa hogaamiye ka soo horjeesta kordhinta mudo xileedka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka , marka la gaadho dhamaadka muddo xileedkooda, mana jirto wax iska kay bedelay, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan diyaar u ahayn in hal maalin ah la iigu daro muddo xileedkayga dastuuriga ah.” Hadalkaasi uu bilawgii 2013 jeediyay Madaxweyne Siilaanyo wuxuu meesha kaga saaray muran ku saabsanaa inuu wakhtiga korodhsan doono oo wakhtigaa bulshadu hadal haysay,balse waxay u dhacday hadal hayntii bulshada, waxaana muuqata in Somaliland ilaa wakhtigaa ku soo jirtay Muran ku salaysan doorashada. Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa uu sidoo kale Khudbaddiisan walaac xooggan kaga muujiyay arrimaha qabyaaladda ee dalka ka socda isagoo Walle ku maray inaan Somaliland sidaas ku socon karrayn “Dhan uma wada soconno, waxaad mooddaa in Dimuqraadiyadda aynu qaadanay wax badan inaga kharribtay, oo waddaniyaddii, isku duubnaantii iyo yoolkeennii ahaa inaan qaran madax bannaan noqono oo caalamka hiigsanno inaynu si kharriban wax u kala jiidanayno, qabyaalad iyo qaranna meel ma wada yimaaddaan,” ayuu yidhi Mudane Madaxweyne xigeen Saylici. Madaxweyne xigeenku waxa uu sidoo kale sheegay inay caqabad tahay nin jeclaysi ka jira bulshada dhexdeeda “ Intaynaan xaqqa isku sheegayn ee nin waliba ninka xiga gardarrada ku taageerayo, ee wixii xun aynaan iska reebayn, ee wixii wanaagsan aynaan is farayn waxaynu doonayno ma gaadhayno. Waxaan walaalayaal leeyahay waar maanta meel uma wada jeedno, waxaa inaga xoog batay danihii gaarka ahaa iyo danno qabyaaladeed, taasina meel ina gayn mayso. Waxaynu u baahan nahay inaynu noqono Umad qarannimo ku fikirta, qabyaalad ka xorowda oo dannaysi shakhsi ka xorowda. Waxaan leeyahay Umadda Somaliland ha is cafido oo calool wanaag ha ku wada shaqayso”. Hadalka Madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan murranno siyaasadeed oo ku saabsan muddo dhaafka muddo xileedka Madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo golaha wakiillada. Waxaa sidoo kale bulshada laga dareemayaa la qabsiga qabyaaladda oo inta badan lagu eedeeyo in Xukumadda Kulmiye inay dib u noolaysay.

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post