WASIIRKA ARRIMAHA DIBADA OO SI HEER SARE AH LOOGU SOO DHAWEEYAY DALKA, SHAACIYAYNA HANKIISA MUSHARAXA JAGADA MADAXWEYNAHA EE XISBIGA KULMIYE.SAWIRO

“Golaha dhexe ee Kulmiye Waxaan leeyahay  qofkaad dooranaysaan waxaad ku doorataan Aqoon, waayo aragnimo, Karti, iyo Xajiin la’aan”
Hargeysa (Wajaalenews)-Wasiirka Arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland ahna musharaxa jagada madaxweynaha uga dhex tartamaya Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Soo dhaweynta wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo maalmahanba laga dareemayay magaalada Hargeysa ayaa  waxaa ka soo qayb galay oo kaga hor tagey gegida dayuuradaha ee Cigaal International Airport wasiiro, wasiiro ku xigeeno,  Xildhibaano, salaadiin, Aqoonyahano, ganacsato, badi masuuliyiin ka tirsan xukuumada, Golayaasha iyo Xubno tiro badan oo ka mid ah hogaanka, guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaasha musharax Maxamed Biixi Yoonis.
Markii diyaarada Siday Wasiirku garoonka soo caga dhigatay ayaa waxaa uu salaan diiran ku qaabilay dadwaynihii soo dhaweynayay wasiirka iyo dhamaan haldoorka iyo labeenta shacabka  oo iyagu ilaa saaka u taagnaa soo dhaweynta wasiirka arrimaha dibada ahna musharax ku tartamaya Xisbiga Kulmiye.















Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post