Berbera(Arabsiyoweb)Waxa goor dhoweyd badda magaalada Berbera liqday afar wiil oo ka yimid magaalada Hargeysa ,kuwaas oo ku ddabaalanaayey badda magaaladaas Berbera. afartan wiil ayaa ka tegey magaalada Hargeysa,kuwaas oo u dabaal tegey badda magaalada Berbera,waxaanay magacyada afartaasi wiil kala yihiin.
1:Siciid Cismaan Maxamed
2:Xasan Cismaan Axmed
3:Cismaan Maxamuud
4:Axmed Haybe
waxa isna jira wiil kale oo ilaa hadda la la'yahay meel uu sal raad maray ,kaas oo kamid ahaa dhalinyaradaasi badda ku dabaalanaysay,waxaanay maydadka dhalinyaraddaasi waqtigan yaalaan dhakhtarka weyn ee magaalada Berbera,waxaana geeridooda xaqiijiyey agaasimaha cisbitaalka weyn ee magaalada Berbera.
afartan wiil ayaa kamid ahaa ardayda Hargeysa School oo ku yaala xaafada Calaamadaha ee magaalada Hargeysa.
Tags
NEWS