Hargeysa(Arabsiyoweb)Madaxweynaha Somaliland
ayaa isku shaandhayn ku sameeyey qaybo kamida golihiisa Xukumada.
Taariikhda:
-21/09/2015
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada
Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo
summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-3606/092015isku bedel iyo magacaabid uu
ku sameeyey qaar ka mida Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha Jamhuuriyada
Somaliland.
madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad,
Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay
Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo in
isku beddel iyo magacaabid lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda,
aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan
xilalkan loo magacaabay;
Isku
bedelka
Wuxuu
go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan
In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu
ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta
Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, uu
ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta
Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Maxamed Xasan Ibraahin,
uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Saleebaan Jaamac Diiriye,
uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda
Somaliland.
Magacaabida
Wuxuu
go’aansaday
In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed
Muxumed (Abdeeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda
Somaliland
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyada JSL
Tags
NEWS