Waxaan halkan kusoo gudbinayaa Taariikh Nololeedkii ALE Ha uNaxariistee Gudoomiyihii Hore ee Waxbarashada,Maxamed Muxumed,oo ku Magacdheeraa Xadi,Ale ha uNaxariistee Aqooyahan,Proffesor,Maxamed Muxumed xadi wuxuu ku Dhashay Sanadkii 1954,Wuxuuna ku dhashay Magaalada Arabsiyo,Hooyadiina waxa La odhan Jiray,Cibaado Ileeye,Marxuumku wuxuu ka dhashay Qoys balaadhan,Marxuumku wuxuu Waxbarashadiisii Malcaamad quraanka ka bilaabay arabsiyo,Sanadkii 1961 ayuu La qoray uladii ugu horaysay isagoo Nasiib uhelay inuu ahaa Aradaydii ugu horaysay ee lagu bilaabo waxbarashada Arabsiyo,Manhajkii waxbarasho ee Wakhtigaa waxloogu dhigi jirayna uu ahaa luuqada Engiriisi,1964wuxuu ahaa Aradaydii ugu maarkiska saraysay ee Lageeyay dugsiga sheekh,halkaas uu dugsigiisii Dhexana ku Qaatay Dugsiga sheekh Isagoo ay hakaa isku barteen Abwaankii waynaa ee Ale hau naxariistii Maxamed Xaashi dhama,Intaaskadib Wuxuu Dugsigii Sare uwareegay Camuud sanadkii 1968kii ilaa 1972,Isagoo Jaamacadii Umada Soomaaliyeedna galay,khaasatan kuliyadii Lafoole, sanadkii 1972ilaa 76,Wuxuuna halkaas ku diyaariyay Shahaadadii Ugu Horaysay ee degreeya,Isagoo Takhasuskiisuna ahaa Biology,iyo Chemistry,Halkaasuu kasii waday waxbarashadiisii,waxaana loo diray dalka thailand,isagoo kusoo qaatay Dibloma sare,oo ahayd Maamulista Manaahijta ,Isagoo Aakhirkiina Distance ku Diyaariyay Dibloma education Managent,oo uu kaqaatay Machad Hindiya ku yaala,Markaynu usoo Noqono Shaqooyinkii uu soo Qabtay,wuxuu macalin sare kasoo noqday Gaalkacayo iyo Muqdisho,Sanadkii19776 ilaa1978,sidoo kale wuxuu Maamule kasoo Noqday,Iskuulkii Sare ee Gaalkacayo, Sanadkii1978ilaa1980,1981 waxaloo badalay XaruntiiWasaaradii Waxbarashada Soomaaliya,Iasgoo Madax ka NoqdayMashruuc Loo bixiyay,Horumarinta Waxbarashada,Wuxuuna halkaa Madaxka ahaa ilaa 1987,1987 ilaa1990kii ,Wuxuu ahaa Agaasime ku Xigeenkii Manaahijda ,intii uu halkaa joogayna wuxuu kusoo kordhiyay waxyaabo badan,Markii DalkuBurburayna ,Wuxuu qaybka ahaa Dib uyagleelkii waxbarashada Soomaaliland,Isagoo Caawin jiraqy Dugsiyadii kuyaalay Gabilay,1995 ilaa 201 wuxuu qaaybta ugu firfircoo ahaa Macalimiintii qortay Maadada Sayniska205 ilaa207 wuxuu Tababare kula shaqayn jiray,Wasaarada waxbarashada Soomaaliland iyo Hayada Unicef,,Badhtamihii sanadkii 2010 ilaa 2012 Aqooyanku wuxuu Ahaa Gudoomiyihii waxbarasho ee Gobolka gabilay,,Isagoo Waxbadan kusoo kordhiyay Waxbarashada Gobolka Gabilay,Intaa wixii kadambeeyay Wuxuu Lashaqayn jiray Waaxda Manaahijta Wasaarada waxbarashada Soomaaliland,Guntii iyo gabagabadii wuxuu ahaa Marxuumku Adoon Cibaado badan oo Saalaxa,oo Runtii Cidwalba kanabad gashay Isagoo ku Suntan Aqoonta Macalinmiinta oo uu Aakhirkii Hayada Action aaid Kula Shaqeeyay tabarida Macalimiinta Gobolka Gabilay,Marxuumku wuxuu Xijaabtay,11 09 2015 Inaalilahi Wa inaa Ilayhi Raajucuum
Tags
NEWS