Shirqoolkii Lagu Daldalay Maxamuud Xusseen Mataan Bishii Setember Saddexdeedii 1952 Xabsi Ku Yaalay Boqortooyada Biritan Gaar ahaan Gobalka Wales Caasimadeeda Magaalad Kaardif(Cardif)BY KHADAR JAAMBIIR CIGE Qaybtii 5naad




Shirqoolkii Lagu Daldalay Maxamuud Xusseen Mataan Bishii Setember Saddexdeedii 1952 Xabsi Ku Yaalay Boqortooyada Biritan Gaar ahaan Gobalka Wales Caasimadeeda Magaalada Kaardif(Cardif). " He was  a loving Dad , Husband, kindom Friend indeed with cared and treated beloved ones  with smile, grace  and incentive gaze by Laura Mataan" erayadaas waxaa ku muusanoowdey markii si arxan-daro ah oo aay  jinsiyad nacaaybi ku jirto loo daldaley  ninkeedii ( Laura Mataan ) oo aay waayo- murugo iyo daruuro madoow oo farinaya  dareeno  dareemaya daaqada  badan oo  darxumada iyo dabaaylaha duufanada xooga leh wata oo ku soo banaanadey, waxana wakhtigaasi  u bilowdey murugo aan kala joog lahaayn iyo xasuuso guuna oo kolba ku soo mir-kicinaya wakhtigii wacnaa iyo kalgacalkii qotoda dheeraa ee  aay soo wadaageen , kaas oo  aay kaga soo baxeen  xilliyadii  bar bilowgii hadal qaadka jaceylka hadmaa kuugu horaaysey Qaybtii 5aad.

Maxamuud Xusseen Mataan sida aaynu kor uugu soo xusnayba markuu Cadan yimid waxa uu  halkaasi kula kulmay dhalinyar badan oo aay qaar qaraabo isku dhaw ahaayeen, qaar kaloo cusubna waay isku barteen magaalada Cadan ee uu markaas yimid. Magaalada Cadmeed Xilligaasi waxa aay ahaayd magaalo aad u baaxad balaadhan oo aay bad iyo buuro badani qaayb qaaybiso ilaa imikana waa sidii oo buuraha iyo bad baa magaalada xaafadaheeda qaaybiya. Waa magaalo aad u kulul xilliga xagaaga oo waad garankartaa wiil yar oo ku soo barbaaray hawadii qaboobayd ee aan kul iyo qabowtoona lahaayn ku soo barbaaray markuu Cadan yimaado  dhibta uu kulaaylkaasi kala kulmayo oo mararka qaarkood marka aad meel xeeba aad joogto kaadida ayaa kugu dhagaysa, taasna waxaa ka sii daran haraad aan marnaba kaa hadhayn  oo biyaha qaboow ee mardabaanada ku jira aad kolba  qudh qudho iyo ka bashooyin badan aay naftu jamanaayso.

Xilliyada habeenku damo ee jiifka laaysku diyaariyo dharkaad huwanayso ilaa garanka iyo macamusta waxaad ku radinaaysaa biyo oo iyagoo biyo ka da,ayaan baad jeefsanaaysaa sariirtaadii cadiirka ahaayd waayo sanadadaas 1940s kii waay iska yaraayeen marawaxadaha dabka ku shaqeeya iyo talaajadaha wax lagu qaboojisto haddii aay jireena Cadan waxaa haysan jirey qalabadaasi aan soo sheegay dadka ingiriiska ah iyo hindida iyo weliba dadka ladan ama meelaha fiican ka shaqeeya.

 Balse akhristoow la soco oo maankaaga geli in uu Maxamed Xusseen Mataan iyo dhalinyartii kale ee  aay wada socdeen ee u doonatey magaalada Cadan in aay ka raadsadaan shaqada badmaaxnimada ee laga shaqeeyo maraakiibta badaha aduunyada ee qaaradaha u kala gooshaaysa in aay ahaayeen dhalin yaro ku cusub magaalada Cadan oo aan deegaan ku ahaayn  kulkuna uu dhibaayo waayo baayada aay ku soo barbaareen iyo hawadiisuba waa dhul uu ilaahaay ku manaaystey hawo fiican oo aan kulna ahaayn qaboowna ahaayn haddii aad dibada waraabe seexatana aanay cidi kaa sheeganaayn weloo uu dhulku xilligaasii libaaxa iyo shabeel dad qaada aad looga caban jirey oo aay adkayd in aad dibed isku aaminto duruuf ku bada mooyaane, qofkii dibad seexdaana habeenkaas waxa uu ku tilmaansan jirey waa habeenkii aan halkaasi ku dib jirey waana halkaay ka timid odhaahda (Dibjir) ee imika cayda loo yaqaano.

Taasi waxa aay  ahaayd dhibtii  iyo kulkii aay lahaayd magaalada cadmeed bal imikana waxa aaynu ka eegaaynaa dhinaca kale oo aaynu iska taagaayno magaalada cadmeed wixii wanaag aay lahaayd ee aay kaga duwanayd noloshii rafaadka  badnayd ee reer guuranimo ama magalooyinkeenii somaliland ee xilligaa jiret sida Berbera, Bulo-xaar,Zaylac amaba Hargeysa.

 Magalaadada Cadmeed xilligaas waxa aay ahaayd magaalo si raadan oo ka dhamaystiran dhinac kastoo aad ka eegtid wax allaale iyo wixii nolol  deegaan aay ku suurto gelayso  oo weliba  aan warwar laga qabin ama dhiba laga sheeganaayn". Kuwaasna waxaa ka mid ahaa  sida caafimaadka oo magaalada cadmeed dhakhtar looga soo doonan jirey meelo fog fog oo aay ka mid ahaayeen bariga dhexe ilaa magaalada Herer ee loo yaqaaney Adari. Xagga waxbarashada Cadani waxa aay ahaayd magaalo weyn oo aay ku yaalin skuulo caana oo aay wax ku soo barteen aqoonyahanadii reer somaliland ee ilaa imika la janto.

 Aqoonyahanadaasna waxaa ka mid ahaa sida abwaanka weyn ee soomaaliyeed maxamed  Ibraahim Warsame ee  loo yaqaano (Hadraawi) iyo siyaagii weynaa ahaana Gudoomiyihii uugu horeeyey ururkii dhaqadhaqaaqa wadaniga sooaliyeed ee (SNM) Ahmed Mohamed Guuleed oo loo yaqaaney (Axmed Jimcaale). Haddii uu ilaahay yidhaahdo qormooyin badan oo ku saabsan taariikh nololeedkii Qoraagii weynaa ahaana siyaasi rugcadaadiga, iyo weliba khabiir dhinaca sharciyada Mujaahid Axmed Jimcaale ayaan idiin soo gudbin doonaa anigoo  afsoomaali idiinku soo turjimi doona xasuus qor ku qoran afka Ingiriisiga  uu kaga sheekaynayo taariikhdii Axmed Jimcaale uu soo diyaariyey walaalkii Qareen Gamaal Guuleed.

Anigoo aan ka baxayn qormooyinkii Maxamuud xusseen Mataan waxan jeclaaday in aan in yar oo kooban afka idiinku qooyo tariikh nololeedkii Qoraagii weynaa ahaana siyaasi rugcadaaya iyo darajooyin badan oo aanan imika soo koobi-karin balse markaan taarikh nololeedkiisa aan soo turjumayo geli doono Axmed jimcaale ilaahaay qabriga ha u nuure oo ka mid ah raga taariikhdooda hoosta la dhigay balse aan sidaas lagu aasi-karin, ahaana aas-aasihii somaliland ta maanta aaynu ku faanaayno(The father Founded  Of  Somaland  Ahmed Jimcaale was the master of Credit yes He was the master minded engneering the Somaliland we  re very proud today!!! Ahmed Mohamed Guleed(Axmed Jimcaale) waxa u ku dhashay Magaalada Cadan ee dalka Yemen  Juun 16 1930 kii.

Jimcaale oo ahaa Abihii dhalay Axmed Jimcaale waxa uu Cadan u soo haajirey qarnigi 20aad bilowgiisii ama tobankii sanno ee u horeeyay. Axmed Jimcaale waxa uu la dhashay afar wiil iyo laba gabdhood oo waxa Axmed Jimcaale lagu tilmaamaa mid aay walaaladii iyo hablaha uu la dhashayba u naxariis badan oo  marka uu meel dibada uu shaqo uugu maqan yahay aay tabijireen waalidkii iyo walaaladiiba. Axmed  markii uu dhameeyey barashada quraanka waxa uu galay dugsigii hoose dhexe  ee la odhan jirey Baazarca(Ba Zar' Elementery Education and primary School).

 markii ku uu dhamaystaey dugsigiisii hoose dhexe Baasarca waxa  uu abaalmarin u helay markuu ka baasay fasalkii 8aad tarajada looyaqaan (A LEVEL) in  loo gudbiyo dugsiga sare ee aay galaan ardayda darajada sare kaga soo baasta fasalka 8aad ee dugsiga dhexe, dugsigaasi sare na waxa uu ahaa mid bariga dhexe iyo afrika ba ka caan ahaa waa ( St  Joseph  Secondary School in Crater Aden) intaas baan ku soo gaba-gabeeyay taariikhdii gaabnayd ee Axmed Jimcaale waxanan ka cudur daranayaa in aanan qormooyinkan uugu talo gelin in aan taariikhdiisa kaga hadlo balse aan qormooyin u gaara Mujaahid Axmed Jimcaale aan idiinku soo tabin doono, waxaanan dib uugu noqonayaa Maxmed Xusseen Mataan   shaqadii badmaaxnimada   iyo nololshii uu Cadan kala kulmay isaga iyo asxaabtiisuba xilligaasi aan sawir buuxa ka bixiyo.

Dhinaca kale marka aaynu ka eegno magaalada Cadmeed  xilligaas waxa aay ahaayd magaalo camiran oo dahabka iyo badeecadihii xilligaasi jirey la ciir-ciiraysa oo gabadhii soomaliyeed ee la guursado marka aqal galkeedu soo gaadho aan mariinka aay xidhanaaysa ,dahab, subeciyada iyo weliba shaadirada aan looga keenin Cadan aay ahaayd Caruusad uu ninkeedu hagradey.

. Xagga meceeshada iyo quutal  daruuriga  waxa aay ahaayd magaalada cadmeed meesha meel uugu fiicnayd aduunyada wakhtigaas ee lagu noolaado, waayo lagactii rubiyada ahaayd ee cadmeed ee xilligaasi marka aad suuqa la tagto waxa aay kuu soo goynaaysey  wixii baahi  ah ee bucsharad markaas aad suuqa uuga baahato wax kugu filan oo weliba kaa badan , waxaanay ahaayd barqo-dharag, waana tii   wanaaga Cadan loo hayey aay  ku soo baxday maahmaahda ilaa weli caanka ah (cadana Ha Gubato!!.

 Haddaba aan intaas ku soo gaba-gabeeyo sawirkii guud ahaaneed ee aan ka bixinaayey noloshii Cadmeed ee waagaas  oo aanan soo koobi-karayn, waxaanse imika aan jecel ahay in aan u soo dhaadhaco Maxamuud Xusseen Mataan iyo shaqadii Badmaaxnimo ee uu uugu anbabaxay Cariga Ingiriis iyo weliba Jacaylkii sobobay dilkiisa sanadku markuu ahaa sept 3rd  1952 ee dhexmaray isaga iyo gabadh Ingiriisa oo u dhalatey Gobolka Wales ee Cariga Ingiriiska, halkana waxaan idiinku soo qadimayaa dhawr eray oo aay ku muusanoowdey Laura Williams ama sida imika loo yaqaano Laura Matan waraysi aaysiisey BBC( Biritish Boardcasting English)  markii ninkeeda la dal- dalay waxaanay ku biloowdey sidan""Ma  filayn In aay daldalayaan waxa aay  ahaayd Subax uu roob da.aayey ,cadho aayaan ku jirey  muddo 45 sano ah cadhona  waan ku dhimanayaa" erayadaas waxaa ku muusanoowday Laura !!!. Waxa aan idika raaligelinayaa Qormadii 4aad in aanan idiinku sheegin marka aan ka hadlayey Cumar Musheeg, hadaba  imika waxa aan jeclaystan in aan halkan idiinku saxo Cumar Mushteeg in uu ahaa Faysal Cumar Mushtaag Aabihi, kolayna qoraalada  hadii aad kala kulantaaan xagga qoraalka qaladaad ku yimaada(error typing) insha allah aad baan uuga taxdiri doonaa qaladaadka faniyinka ah.
ISKU DUBA RIDKII WARIYE MUUSE XUSEEN XASAN
La Soco Qormooyinka Dambe
Khadar Jaambiir Cige


Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post