Sabti, Ogoosto 29, 2015 (HOL) — Magaalada New York ee Dalka Mareykanka
ayaa laga furay maqaayaddii ugu horreysay oo ay Soomaali leedahay, taasoo
lagu magacaabo Safaari Somali Cuisine; waxay ku taallaa xaafadda Herlem ee
New York.
Baarkan ayaa laga helaa cunnooyin Soomaalidu ay caanka ku tahay, kuwaasoo
shacabka Mareykanku ay aad u jecel yihiin. Waxaana ka mid ah cunnooyinkaan;
Baasto, Suqaar, Buskeeti, Shaah Soomali iyo is-barmuuto ama Liimo Balbeelmo.
Adres Piedrahita oo ka mid ah Ajaanibtii wax ku cunay Maqaayadan Soomaalidu
leedahay ayaa ayaa sheegay inay ahayd markii ugu horreysay ee uu Maqayadan
booqdo oo ka cunno cunto Soomaali; waxuuuna xusay inuu si aad ah ula dhacay
cuntada Soomaalia.
“Cunnada aan ka cuney Safari Waxay ka mid tahay Cuntadii ugu Macaanayd ee
aan abid cunay. Anigu maba filayn in Cunnada Soomaaliya ay tahay cunto sidaa
u macaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Piedrahita.
Ugu dambeyn, magaalada New York oo ah midd ugu weyn Magaalooyinka
Mareykanka ayaa haddana waxay tahay magaalo ay aad ugu yar yihiin bulshada
Soomaalida ah. Sidoo kalena uusan jirin deegaan ay Soomaalidu ku nool yihiin
oo ku yaalla New York.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida ku nool magaaladaas ayaa ku nool xaafaddo
tirsan oo ku yaalla magaaladaas. Iyadoo baarkan ay noqonaysto middii ugu
horreysay oo ay Soomaalidu ku nool fursad u helaan inay ku kulmaan.
Maxamed X. Xuseen,
Tags
NEWS