QAYBTII 4raadShirqoolkii Lagu Daldalay Maxamuud Xusseen Mataan Bishii Setember Saddexdeedii 1952 Xabsi Ku Yaalay Boqortooyada Biritan Gaar ahaan Gobalka Wales Caasimadeeda Magaalad Kaardif(Cardif) Qaybtii 4aad BY KHADAR JAAMBIIR CIGE





Maxamuud Xusseen Mataan markuu Magalaadii Cadmeed joogay muddo dhawr bilooda ee uu halkaasna kala kulmey asaxaab weji furan oo u debacsan in aay ka gargaaraan wixii baahiyo ah ee uu markaa qabay ayaa uu kama danbaaystii uu shaqo ka helay Kambani weyn oo u qaabilsan haawlaha Badmaaxiyiinta fadhigiisuna ahaa Magaalada Landhan(London )ee Cariga Ingiriiska.

Cadan xilligaasi waxa aay ahaayd sidii aaynu horeba uugu soo sheegnay qormooyinkeenii hore in aay ka mid ahaayd magaalooyinka uugu camiran aduunyada marka aaynu ka hadlaayno Bariga dhexe iyo Bariga afrikaba oo aay la kulaasho Badda Cas.

Waxa aay ahaayd Magalaalo aad u camiran xaga maalka , dadba waxaana ku kala gooshi jirey maraakiibta qaaradaha aduunyada u kala socda oo Dekadeedu waxa aay ahaayd Deked aad u sixmad badnaay oo aan waxba ka aqoon Dekedaha reer Yurub sida ta Maarsayl ee ku taalay Faraansa ama Dekadaha waaweyn ee ku yaalay Iglandba (England) ha noqdeene. Dadka markaasi ku noolaa magaalada Cadan waxa aay ahaayeen dadyoow iskugu jirey jinsiyado badan iyo weliba diio kala duwan leh, sida jinsiyadaha Hindooga, siinga ah, hindiga islaamka ah, yuhuuda , carabta, soomalida iyo qaar kale oo aad u badan.

Qoomiyada soomalida ee xilligaas ku noolaayd magaalada Cadmeed iyo niwaaxigeedu waxa aay ahaayd qoomiyad aad u dhisan, umada soomaaliyeed ee xilligaa Cadan ku noolaana waxaa uugu badnaa qoomiyada Somaliland oo xadaarad fog iyo xidhiidh baayac-mushtar oo guuni uu ka dhaxeeyey iyaga iyo magaalooyinkii xeebaha yemaneed ilaa iyo waagii turkigu qabsaday yeman 1538 kii iyo weliba xilli kale oo aanaynu garanaayn waayo intaasi waa waxoogaagii laga soo helay taariikhda sugan ee ka soo hadhay huubihii lumay ee weli raad-goobkiisii lagu jiro qarnigan 21aad.

Soomalida waagaas ku noolaayd magalada cadmeed maay ahaayn uun dad ku kooban baayac-mushtariga iyo shaqaale dowladeed balse waxa aay ahaayeen kuwo maamulka Cadmeed jagooyin waaweyn ka haaysta, markaad gashid xafiisyada waaweyn ee dowladii Ingiriis ee markaas Cadan haaysatey waxaad uugu tagasey rag sar sare oo u badan soomaali iyo hindi.

Marka laga hadlaayana Mayaradii cadmeed ee xilligaasi waxa aay u badnaayeen soomaali gaar ahaan reer somaaliland.
Xaga dekadaha maamulkoodana , bangiyada, warshadii weyn ee baatroolka sifaayn jirtey ee ku taalay bureeqa intaas oo dhanba maamulka goobahaas waxaad ku arkaaysey shaqaale soomali reer cadmeeda oo dhalasho ahaan markoodii hore ka soo jeeday somaliland. Xarumaha Booliska looga taliyo iyo maxkamadaha haddii aad booqatana waxaad uugu tagaaysey saraakiil iyo qaadiyo reer somaliland ah laakiin ku dhashay Cadan laga yaabaana in uu aabahood iyo awoowgoodna ku dhashay balse maanta haddii aad eegtid huubihii dadkaas aan ka sheekaaynayo tafiirdoodii wax yar baa laga helayaa faro ku tiris ah in aay sharci yemen haaystaan dhamaantoodba waa laa jiyiin oo cadan iyo yamenba wax xuquuq ah kuma laha.

Warshadii uugu weynad ee caanaha xilligaasi magaalada cadmeed waxaa lahaa niman la odhan jirey ilmo macale oo deegaan ahaan ka soo jeeda magaalada Arabsiyo ee hoostaga deegaanka Gabiley.
Waxa aay magaaladaa Cadmeedka sameeyeen Kambanigii uugu weeynaa ee abid magaalada cadmeed xilligaasi soo mara oo ka koobnaa hangaro waa weyn oo aay ka sameeyeen duleedka magaalaa Cadmeed halkaas oo aay ku daabuleen lo,da loo yaqaan jaanbuusiga oo aay ka soo iibsadeen dalka holland ama Netherland , Lo,daasi oo caanaheega lagu qaaybin jirey guud ahaan koonfurtii yemeneed siiba magaaladii cadmeed oo dhan , waxaanay warshadaasi ahaayd (Milk Basket) kii cadmeed oo ilaa Cumaan Caanahaasi lagaayn jirey. kumbanigaa ilmo Macale shaqaalaha guud ahaan u shaqaayn jirey waxa aay gabigoodu ka soo jeedeen somaliland waxaana tirada shaqaalahaas Lo,da maasha uu ahaa tiradadooda guudl ilaa inta u dhexaysa 200 ilaa 300 oo qof.

Haddii aaynu u kacno in aaynu wax yar ka tilmaano maamulka Bangiyada dhalinyaradii somaliland ee xilligaas waxbaratey ee ka shaqaynaysey Bangigii weynee ee ku yaalay badhtamaha suuqa weyn ee cadmeed( Crater-ka) ee u dhow suuqal dahabka ayaa waxaa Bangigaas (Crater) ka ka ahaa qasnajigiisa guud Ilaahaay naxariistiisa janno ha ka waraabiyee Cali Warsame Bookh oo loo yaqaaney (Cali Basho) kuna geeriyooday 2010 kii isagoo markaa muddo ku dhow 48 sanno Qasnajga guud u ahaa Amiirkii Abu-Dabey Sheikh Saayid Bin Suldaankii Imaaraatka Carabta.

Xagga tagaasida magaalada waxaa wadayaalkahaa ama lahaaba tagaasidaas magaalada cadmeed ka shaqaaysa waaxyaheega kala duwan u kala baxa dhalin yaro badan oo ka soo jeeda Somaliland ragaasina waxaa ka mid ahaa Cumar Mushteeg oo ahaa Faysal Cumar Mushteeg hada waa fanaankii weynaa ee kacaanka ahaa geyiga soomaliyeed oo dhan, Cumar Fartaag, Yuusuf Cade iyo qaar kaloo badan, Faysal Cumar Mushteeg muu ahaay fanaan iyo hal- abuur keliya balse waxa uu ahaa oo kale macalin weyn oo wax soo baray aqoonyahano badan , waxaanu ahaa macalinkii xagga waxbarashada ee uugu horeeyay waagii Ingiriiska ee soo mara magaalada Arabsiyo isaga iyo macalin jaamac baa uugu horeeyay macalin wasaarada waxbarashada ka socda oo Arabsiyo yimaada halkaasna waxa aay ka bilamatey heesaha sucbcis ee maanta uugu macaan ee la dhagaaysto raga markaas kabacadii Arabsiyo ka mid ahaa ee la bilaabay faysal waxaa ka mid ahaa Hirad, Cabdilaahi dhagareed iyo qaar kaloo badan waxaanan ku soo qaadan doonaa taariikhda faysal cuat mushteeg oo dhamaystiran qorooyinka soo socda ee aan kaga hadlaayo Sanadihii Lumay iyo sirihii ku duugnaa ee aas-aaskii magaalo iyo waxbarashaba ee magaalada Arabsiyo, akhristayaaloow ha moogaan oo ha ka maqnaan qormooyinkaasi sanadihii limay iyo sirihii ku dugnaa!!

Maxamuud Xusseen Mataan markii uu muddo yar uu joogay magaaladii cadmeed waxa aay isaga iyo dhalinyar badan oo dhamaantoodba reer somaliland aay ka shaqo galeen markab aay lahaayd shirkad Ingiriisiya oo fadhigoodu ahaa magaalada London, waxaanay noqdeen niman badmaaxiyiina oo bada dhex jibaaxa habeen iyo maalin, mararka qaarkoodna beri maay arki jirin muddo todoba bilood ah ama in ka badan oo waxaa hooy u ahaa maraakiibtaa qaarad ilaa qaarad shixnadaha u kala gudbinaaysa oo waxaa wehel u ahaa intaas aay markabka lawada socdaan iyo kaluunka hirarka bada oo isceshanaayaa waana shaqo shaqo uugu adag oo uu xamili karo qof bila aadani balse fursado shaqo oo kale oo badan waagaasi maajirin marka laga reebo haawshaa badmaaxnimada mooyaane.

Maxamuud Xusseen ataan iyo asxaabtiisii kale ee reer somaliland ee aay waagaasi shaqadaa badmaaxnimada wada bilaabeen maay ahaayn ragii uugu horeeyay ee somaliyeed ee badmaaxiina balse waalooga horeeyey oo waxaad arkaysaa markaad buugaagta taariikhda laga qoray somaalida aad akhrido in aad arki kartid rag badan oo ilaa qarnigii 18aad la soconaayey maraakiibtaas badaha waaweyn ee dunida iskaga gooshta . Ragaas na waxaa ka mid ahaa Xaaji Sharmaarke Cali Bin Saalax oo ahaa Suldaankii uugu sareeyey Saldanadii Awdal ee Zaylac sanadihii 1848 ilaa 1856 kii in uu markabkii la odhan jirey Marry Ann ee makha fadhyey uu ka mid ahee ragii badmaaxiyiinta ahaa ee soomalida ahaa markuu sanadku ahaa 1815 ilaa 1836 kii.


Waxaa kale oo uu Xaaji Sharmaarke iyo wiilkuu dhlay ee curadkiisa ahaa Maxamed Sharmaarke aay lahaayeen doonyo waaweyn oo iskaga goohi jirey Hindiya, Yementa waqooyi, Cadan , Cumaan. Zanzibaar iyo zaylac , Tojora, Obok iyo ilaa Berbera. Ragii kale ee iyaguna ku jirey bad mareenadaas maraakiibta reer yurub la socon jirey qarnigii 19aad waxaa ka mid ahaa Idiris Ducaale oo ahaa sacad yoonis iyo Suudi Shabeel oo ahaa habar jeclo labadaas nini waxa aay ka mid ahaayeen ragii uu ingiriisku u direy 1870 kii in aay ka maadi doonaan harada weyn ee Lake Victoria maaydkii sahamiyihii Geography ga kaamayah afrikada Bari ninkaas oo la odhan jirey David Livingstone oo aay ka neeco ku cuntey haradaa Lake Victoria kaaymaha bahalo geleenka ahaa ee ku meersanaa.
La Soco Qormooyinka Dambe
Khadar Jaambiir Cige       

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post