Inkastoo faaligu uu ku dhici karo qofkasta , waxaa jira dhibaatooyin gaara oo caawinaya fursadaha uu faalig ku iman karo. Qiyaas ahaan 80% faaliga waa laga hortagi karaa. Waxaase muhiiima inaad maarayn karto dhibaatooyinka shakhsiga ah iyo dhibaatooyinka caafiimaad ee keeni kara faaliga isla markaasna aqoonsan karto calaamadaha iyo astaamaha faaliga,
Dhakhaatiirtu waxay ku talinaysaa in faaliga lagaga hortagi karo qodobadan.
1.LASOCO HEERKA DHIIG KARKAAGA (HYPERTENTION)
Dhiig karku waa dhibaatooyinka ugu waawayn ee sababa faalig hadaan la daawayn. Waa inaad cabirtaa dhiig karkaaga maalin kasta si aad u ogaato halka uu marayo. Haddaad awoodana soo iibso mashiinka digitalka ah ee dhiig karka.
2.cuntada iyo jimicsiga
Miisaanka ama buurnida badani waxay cadaadis ku samaysaa wareega dhiiga. Jimicso ugu yaraan shan jeer todobaadkii.
cuntadadu ha u badnaato khudrada noocyadeeda kala duwan. isticmaal kaluunka iyo cuntooyinka bada laga helllo. ka dheerow cuntooyin milixda iyo dufanka ama subaga leh,
3.JOOJI SIGAAR CABIDA.
Sigaar cabidu waxay aad u caawisaa imaatinka faaliga. Sigaarku wuxuu dhibaato ugaystaa gidaarada xididada dhiiga, wuxuu kordhiyaa xinjirawga halbawlayaasha, wuxuu kiciyaa dhiig karka, wadnahana wuxuu ka dhigaa mid shaqo badan qabta,
4.LA SOCO HEERKA SUBAGA JIDHKAAGA (CHOLESTROL)
Cholestrol waa dufan ku jira dhiga oo uu jidhku sameeyo. sidoo kalana la socda cuntada aynu cunno. heerka subaga jidhkaagu haduu bato waxaa xidhmi kara halbawlayaasha, taas oo uu kadhalan karo faalig.. Dhakhtar u tag haddii heerka subagaaga uu ka bato 200.
5. LA SOCO MACAANKAGA
Dad badan oo macaan leh ayaa waxaa la soo gudboonaada dhibaatooyin khatir ku galin kara inuu faaliga ku dhaco. Dhakhaatiira iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaa ka caawin kara sidii loo maamuli lahaa macaanka.
6. AQOONSO ATRIAL FIBRILATION (AFIB)
AFIB waa marka uu wadnuhu u garaaco si aan caadi ahayn taasoo kordhin karta khatarta faaliga. AFIB waxaa uu sababayaa in dhiig ka buuxsamo wadnaha taas oo abuuri karta xinjiro sababi karta faalig. Dhakhaatiirta ayaa baadhi karta daawayna karta AFIB,
7.QAADKA
waxaan shaki ku jirin inuu qaadku ka mid yahay waxyaa khatar kugu galin kara faaliga, hadaad qaadka cunto waxaa talo ah inaad yaraysato dhiigagana cabirto hadaad iska shakido.